Guddoomiyaha Wakiiladda Oo La Kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jaamacada Carabta

0
425

Dubai (Dawan):Guddoomiyaha golaha wakiiladda  ee  Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro), oo  socdaal ku jooga wadamadda isu-taga  Imaaraadka Carabta,ayaa shalay  kulan la qaatay guddoomiyaha baarlamaanka midawga jaamacadda carabta Mr. Axmed Al-jarwani.
Kulankaasi  oo ka dhacay xafiiska guddoomiyaha baarlamaanka midawga jaamacada Carabta, ayaa waxaa ay labada dhinac  iskaga  xog waraysteen xidhiidhka ka dhaxeeya Somaliland iyo  dawladaha carabta, waxaana uu guddoomiye Cirro uga warbixiyey Mr. Al-jarwani taariikhdii dheerayd  ee ay Somaliland soo martay illaa 1960-kii iyo maanta heerka ay marayso.
Waxaana  uu  sheegay in Somaliland ay tahay dal madaxbanaan oo xoriydiisii dib ugala soo laabtay waxii la isku odhan jirey Soomaaliya,  Kana hir galeen hanaan dimuqraadiyadeed oo ay ka jiraan Axsaab badani.
Cabdiraxamaan  Cirro, waxaa uu sidoo kale uu guddoomiyaha midawga jaamacada carabta u sheegay in illaa waagaas ay Somaliland sugaysay  aqoonsi caalami ah, sida oo kalena ay tabaysay taageerada iyo iskaashiga jaamacada Carabta.
Mr. Al-jarwani oo ah guddoomiyaha midawga 22-dal oo carbeed una  dhashay Isutaga imaaraadka carabta, (UAE-da)  sida oo kalena xafiiskiisu uu ku yaalo magaalada Abu-dubai, waxaa uu ugu horeyn sheegay in uu si aad ah ugu faraxsan yahay kulan uu la yeeshay guddoomiyaha baarlamaanka Somaliland.  Waxaana  uu tilmaamay in uu warbixintaas-na  u gudbin doono dalalka Carabta, isaga oo sida oo kalena tibaaxay in ay sii wadi doonaan ka baarlamaan ahaan kulamada noocan oo kale ah. Dhinaca kale   maal maha soo socda ayaa la filayaa in uu C/raxmaan Cirro  kulamo kale oo noocan ah la qaadan doono   sidii ay xidhiidh joogta ah u yeelan lahaayeen dawlada Somaliland iyo sida oo kale dalalka carabta.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply