Sanduuqa Dayuuradda Burburtay Oo La Filayo In Maanta La Soo Saaro

0
404

Indonesiya ayaa sheegtay in laga yaabo inay helaan sanduuqii dayuuradii la waayay sidaasina waxa sheegay madaxa baadhayaasha
Waxana uu intaasi raaciyay inuu aaminsan yahay in la heli doono, lana soo saaro maalinta Isniint  ah ee maanta. Baadhayaasha ayaa badda hoos u quusay halkii ay dayuuradii ku degtay waxayna dadaal xoogan ku bixinayaan sidii ay usoo saari lahaayeen QZ8501.
Dayuuradan ayaa ka soo duushay Surabaya iyadoo ku socotay Indonesia waxayna burburtay iyadoo badda dul haadaysa.  Saddex markab oo ay indonsei leedahay ayaa ka helay calaamado tilamaaya laba goobood oo ku yaal dhul dhan 3.5 km, halkaasi oo laga helay dhincii denbe ee adyuuradda.

Leave a Reply