Baakistaan: Baabuur Isku dhacday oo 57 Qof ku Dhinteen

0
416

57 qof ayaa ku dhintay shil ka dhashay laba gaadhi oo isku jiidhay koonfurta Bakistaan. Dadkan dhintay ayaa isugu jira caruur, dumar iyo ragba.
Waxaana  la sheegay in sababta shilka keentay ay tahay iyadoo gaadhiga booyada shidaalka siday uu maray haad khaldan ka dibna uu jiidhay gaadhi kale oo  bas ah , halkaasi oo labada baabuur uu dab qabsaday.
Dabkaasi ayaa ah kan keenay dhimashada farah badan. Isbitaalada deegaanka ayaa heegan la geliyay waxaana arinta shilka sababay gacanta ku haya Booliiska.

Leave a Reply