Wasiir Ku xigeenkii Hore Ee Amniga Oo Cafis Lagu Sii Daayay

0
384

Hargeysa (Dawan) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa cafis u fidiyay Wasiir Ku xigeenkii hore ee amniga  Cabdilaahi Abokor oo muddo toddoba bilood ah ku xidhnaa xabsiga Hargeysa, ka dib markii maxkamadi ku heshay inuu eedaymo been abuur ah u soo jeediyay Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo uu ku eedeeyay inay xidhiidh la leeyihiin ururo xag-jir ah.
 
Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa hore ugu xukuntay  Cabdilaahi Abokor, saddex sannadood oo xadhig ah, waxase lagu soo daayay cafis madaxweyne sida ay DAWAN u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan xukuumadda. Cabdilaahi Abokor oo la  hadlay warbaahinta ayaa sheegay in sii dayntiisu ay ka dhalatay cafis madaxweynaha Somaliland u fidiyay.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply