Golaha Wakiilada Oo Loo Qeybiyay Xeerka Aasaaska Hay’adda Duulista Hawada

0
604

Hargeysa (Dawan) – Fadhigii shalay ee golaha wakiilada oo uu shir-gudoominayay gudoomiye ku-xigeenka labaad  golahaasi mudane Cali Yusuf Axmed  ayaa waxa loo qaybiyay xeerka aasaaska Hay’adda duulista Somaliland.
Xeerkan oo ay Golaha Wakiilada u soo gudbisay xukuumaddu ayaa waxa soo darsay guddida arrimaha bulshada iyo diinta ee golaha wakiilada iyagoo soo raaciyay lifaaq ay kaga tallo bixinayaan xeerkan iyo soo jeedintii guddida.
 
Xeerkan  ayaa waxa uu si sharaxayaa  maamulka hawada iyo madaarrada Somaliland iyadoo loo samayn doono guddi madax bannaan oo ka shaqayn doonto arrimahaas, xeerkan ayaa waxa uu ka kooban yahay 91 qoddob.
 
.
Gudoomiyaha guddi hoosaadka arrimaha bulshada iyo diinta ee golaha wakiilada Md. Xasan Cawaale Caynaan ayaa waxa uu xildhibaanada ka hor akhriyay lifaaq ay guddi ahaan soo raaciyeen.
Lifaaqa iyo soo jeedimaha ay guddida joogtadu xeerkan soo raaciyeen ayaa waxay u qornayd sidan:-
 
Annagoo ka duulayna: qodobada Dastuurka ee 53aad iyo 10aad
Anagoo tixgalinayna: Nuxurka Qodobadii ka soo baxay wada hadaladii Somaliland iyo Somalia (Communique of the Somaliland and Somalia Dialogue) ee ku qabsoomay Istanbul taariikhdu markay ahayd 7-9 July 2013 ee ku saabsanaa in la unko Guddi farsamo oo labada dhinac ka kooban (Jiont Control Body) oo maamula Hawada labada dal kalana wareega UN maamulka Hawada Somalia iyo Somalia. Waxaa kale oo ay guddidu samayn doontaa Si siman habka Raasamaal Qabsiga (Mechanism for Equitable Revenue Sharing).
U jeedo tallo bixin sharci
Xeerkan magaciisu af-soomaali ahaan waxa uu sax ku yahay Hay’adda Duulista hawada Somaliland (Somaliland Civi Aviation Authority), kumana haboona in la yidhaa Hay’adda Duulista madaniga ah ee Somaliland
Xeerkani waxa uu nidaaminayaa Hay’adda duulista hawada Somaliland. Hay’addu waxay leelanaysaa  madaxbaani u gaa rha. Xeerkani waxa uu nidaaminayaa nidaamka duulista hawada Somaliland.
Waxa qurux badan xulista xubnaha board-ka.in uu wasiirka wasaaradda duulista hawadu soo xulo 10 xubnood ka dibna madaxweynuhu digreeto 5 ka mida 10-kaas xubnood. Waana in golaha wakiilada laga ansixiyaa dhamaan xubnaha golaha sare.
Xubnahan xulistoodu waa in ay ka kala yimaadaan
Xubin laga soo xulo khabiirada Injineerada diyaaradaha (Aeronautical Engineering)
Khabiir dhinaca sharciga duulista ah (Aviation Law)
Xubin laga soo xulo maaraynta gaadiidka cirka (Air Transport Management)
Xubin lga soo xulo injineerada garoomada diyaaradaha (Aerodrome Engineering)
Senior Aviation Management
Xubin laga soo xulo isgaadhsiinta (Telecommunications)
Fiiro gaar ah. Xubnaha boad-ka sida caadada ah waa in laga ansixiyaa golaha wakiilada ka dib magacaabista madaxweynaha.
Xubnaha board-ku waxay yeelan doonaan gunno iyo mushahar.
Guddi hoosaadka arrimaha bulshada iyo diinta ee golaha wakiiladu waxay lifaaqan tallo bixin ah ee ay soo raciyeen xeerkan uulista hawada Somaliland waxay ku soo gabagabeeyeen,
Xeerkani waxa uu si hufan uga hadlayaa dhismaha aasaaska Hay’adda duulista hawada ee Somaliland ooh awl galintooda ansixinta xeerkan ka dib ka shaqayn doonta nidaaminta iyo habsami u socodka hawlaha duulista Jamhuuriyadda Somaliland.
Hay’addani waxay la jaan qaadaysaa nidaamka casriga ah ee dunida (World Globalization)  wadamada adduunkuna way leeyiihiin hay’add madaxbanaan oo maamulsha hawlaha duulista hawada qaar sida UK waxay ugu yeedhaan (Civil Aviation Authority) wadamada qaarkoodna waxay yidhaahdaan ( National Aviation Authority) labadaas magacna macnahoodu waa isku mid.
Mudaneyaal si aynu u gaadhno himiladeena qaran ee sannadka 2030-ka una helno xaqeena dhaqaale iyo illaalinta hawadeena hadaanu nahay guddida arrimaha bulshada iyo diinta waxaanu soo jeedinaynaa in aad muhiimad wayn sii saan dooda qodobada aanu xeerkan kaga tallo bixinay iyo ansixintoodaba. ahaa mahad leh.”
By: Jamaal C/raxmaan Macalin
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply