“War Murtiyeedkii Shirkii IGAD Maaha Khuseeya Mid Somaliland”

0
380

Hargeysa (Dawan) –  Wasiirka Arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in qodobbadii ka soo baxay shirkii urur-goboleedka IGAD ugu soo xidhmay Magaalada Muqdisho aanu khusaynin Somaliland, balse ay gaar u tahay dalka Soomaaliya iyo maamul-goboleedyadiisa.
 
Maxamed Biixi oo shalay shir Jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa waxa kale oo uu sheegay in Somaliland ay tahay qaran xor ah, isla-markaanna leh xuduudo la yaqaanno, isaga oo tilmaamay in dalalka  Urur goboleedka IGAD ay ku casuumi-doonaan  wada-hadallada u socda Somaliland iyo Soomaaliya.
 
“Somaliland waa wadan jira oo shacabka Somaliland ay go’aansadeen inay gaar isku taagaan muddo 25 Sannadood ah, wadamada  iskugu yimid shirka IGAD ee Muqdisho ka qabsoomay intaba cilaaqaad badan ayaanu leenahay iyaguna wey ogsoon yihiin, Somaliland waa dal xor ah oo dawladda Soomaaliya horteeda xor ahaan jiray, Xuduudo la yaqaanno ayuu leeyahay. War-murtiyeedka ka soo baxay Shirka IGAD,  Somaliland waxba kama khuseeyaan, waayo markaad aragto Datsuurka Midowga Afrika wuxuu sheegayaa inay lama taabtaan yihiin Xuduudihii gumaystaha,”ayuu yidhi Wasiirka Khaarajigu.
 
Wasiirku waxa uu sheegay in Somaliland ay tahay wadan jiritaankiisu waafaqsan yahay cahdiga ururka midowga afrika , waxaanu yidhi  “Waxaanu aaminsan-yahay in aanay Somaliland ku jirin, waayo Somaliland xor-bay ahayd oo Xuduud caalamka oo dhami yaqaano ayay leedahay, markaa annagu waxaanu aaminsanahay in aanu nahay Wadan xor ah haddana wadda sidii aanu Xamar uga go’i  lahayn, Waddamadaasi-na waxay ka mid yihiin kuwaanu doonayno in aanu ku soo casuunno wadda-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.”
 
“War-murtiyeedkii ka soo baxay Shirkii IGAD waxa uu khuseeyaa, Jubaland, Galmudug, Puntland iyo meelaha  ay Soomaaliya xukunto ee ay xuduudaha la leedahay, laakiin xuduudaha Somaliland waa Xuduudo la yaqaano oo Shacabka Somaliland.markaa wax alaale iyo wax naga khuseeya War-murtiyeedka IGAD ka soo baxay  ee ku saabsan Xamar iyo inta ay xukunto ma jiro.
 
Waad ogtihiin halkan (Somaliland) Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweyne kama aha. Madaxweynaha dalkani  waa Axmed Maxamed Siilaanyo oo Golihii Wasiirrada iyo Baarlamaankii ayaynu leenahay, laakiin war Nin meel ka sheegay iyo jiritaanka Xuduuduhu innaga (Somaliland) inama khuseeyaan ee waxay khuseeyaan Soomaaliya iyo xuduudihii Talyaanigu xukumi jiray ee illaa Kismaayo, Gal-mudug, Puntland  iyo Baydhabo, markaa wax innaga innaga khuseeya oo aynu isku mashquulinaa ma jirto,” Ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibadu.
 
 
 
Wasiirku waxa  uu ku dooday in aanay Somaliland u suurto-gelaynin in ay carqaladeeyaan khayraadka Somaliland, waxaanu yidhi “Arrinta Macdanta maalintii dhawayd 6-dii qoddob ee uu Makhraatiga ka ahaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ee ay kala saxeexdeen Madaxweyneheena iyo Madaxweynaha Soomaaliya oo aanu muhiim u arkaynay,  waxa ka mid ahaa inaan la carqaladayn oo aan la dhex- galin arrimaha ku saabsan Horumarka iyo dhaqaalaha. Arrintaas uu ka hadlay Ninka  Agaasimaha ah ama warkaas ka soo baxayna wax ka jiraa ma jiro. Cid maanta ka joojin karta Somaliland inay Dhaqaalaheeda,Horumarkeeda iyo Macdanteeda la soo baxdaana ma jirto, cid ku soo duulaysaana ma jirto  khayraadka dalkana waynu la soo baxaynaa.”
 
By: Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply