Hargeysa (Dawan) – Xildhibaan C/qaadir Maxamed Xasan (Indho-indho) oo ka tirsan golaha guurtida ayaa waxa uu ka hadlay hadalkii dhawaan ka soo baxay shirkii IGAD ee lagu qabtay Muqdisho.
Xildhibaanku waxa uu sheegay in go’aamadaas aanay waxba ka khusayn Somaliland, maadaama oo aynu nahay dal madax-banaan oo xuduudihiisa gaarka ah leh. Xildhibaan waxa uu sidaa ka sheegay mar uu qaar ka mida warbaahinta kula hadlayay magaalada Hargeysa.
Xildhibaan C/qaadir (Indho-indho) oo ka hadlayay hawlaha ay IGAD u tageen Magaalada Muqdisho waxa uu yidhi “IGAD waxay u shaqo tageen meesha la yidhaa Xamar, markaas nimaankaasi in ay u xaq sooraan Xamar iyo Somaliland oo aanay u shaqo tagin marna maan filayn.”
Xildhibaan Cadbdiqaadir (Indho-indho) waxa kale oo uu sheegay in IGAD ay adduunka lacago kaga qaataan in ay dawlada Xamar la shaqeeyaan, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Nimankan IGAD adduunkana lacag bay kaga gurtaan,haddii ay Soomaaliya nabadi ka dhacdana meel ay ka shaqeeyaanba garan maayaan.”
Xildhibaanku mar uu ka hadlaayay wada hadalada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya waxa yidhi “Adduunku waxa uu yidhi waxaad u wada hadashaan sidii laba dawladood, waxaanaad ka wada hadashaan sidii aad u wada noolaan lahaydeen. Muhiimaduna waxa weeyaan arrintii madaxweynaha Jabuuti yidhi waar siyaasada ku dhiirada oo arrimaha masiiriga ah ka wada hadla oo mustaqbalka sidii aad u wada noolaan lahaydeen ka wada hadla. Markaa waxaan leeyahay hadii nuxurka wada hadalada aduunku yidhi ku dhiirada aan la galin waxan kale oo dhami waa arrin farsamo.”
Xildhibaan waxa uu shacabka reer Somaliland u soo jeediyay in ay meel ug soo wada jeestaan adkaynta midnimada iyo ilaalinta nabadgelyada dalkena.
By: Jamaal C/Raxmaan Macalin
Dawannews Hargeysa office
Home Wararka Dalka ‘IGAD Waxay u Shaqo Tageen Meesha La Yidhaa Xamar’ xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho+