“Waxa Loo haystaa In Isaaqu ka Badan Yahay Beesha Samaroon”

0
576

Hargeysa(DAWAN)-Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud Siciid Sulub ayaa xamili waayay naqdiga bulshadu kaga fal-celisay  hadal dadweynaha  kala geynayay oo uu beesha madaxweynihii Wasiirka ka dhigay ee Daahir Rayaalle Kaahin, ku tilmaamay inuu ka soo jeeday beel laga tiro badan yahay, waxa kale oo uu shalay-na beeshaasi ku sheegay inay tahay beesha labaad ee Somaliland.
 
Siciid Sulub hadalkiisii uu beelaha Awdal ku sifeeyay  mid laga tiro badan yahay, waxa uu ku jiray  waraysi  uu dhawaan siiyay Tv-ga Universal, waxaana bulshada u soo daabacay wargeysyo kala duwan oo uu ku jiro Wargeyska DAWAN, oo cadadkiisii Arbacadii shalay  bogiisa ku hore ku qoray hadalkii deel-qaafka ahaa  ee siyaasigaasi oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.
Siciid Sulub oo shalay  shir jaraa’id   ku qabtay Hargeysa, waxa uu  si aan maan-gal ahayn iskugu dayay inuu u qiil-sameeyo hadalkiisii laf-jabka ahaa ee uu ku aflagaadeeyay beeshii Madaxweynihii cagaha u soo geliyay saaxada siyaasadda, waxaanu ku dooday inuu  si khaldan wargeyska DAWAN u turjumay qeyb ka mid ah waraysigii  uu hore u bixiyay.
 
“Waxaan doonayaa in aan ka jawaabo, hadal su’aal ahaa oo Weriye ka tirsan Universal-TV  i weydiiyey, oo ahayd maxaa kalifay inaad  Daahir Rayaale in aad si xoog ah u difaaci jirteen adiga iyo Cawil (Wasiirkii hore ee Maaliyada)?, arrinta aniga oo doonaya in aan bayaamiyo difaaca aanu Daahir Rayaale difaacaynay oo madaxweynahayagii ahaa in ay ahayd horta marka hore waa waajib in aad madaxweynahaaga aad difaacdo, xaq ayaana uu kuugu leeyahay, waxaan doonaynay inaan bayaamino maadaama oo madaxweyeyaashii isaga ka horeeyay ay ka soo jeedeen beesha dhexe (Isaaq) oo beeshiisa Samaroon ay dadku u haystaan in Isaaqu ka badan yahay in aanu markaa taa xoojino, si Somaliland uu caalamku u aqoonsado ayaan sidaas u samaynay,”ayuu yidhi  Siciid Sulub.
Waxa uu beeniyay kalmad ku jirtay waraysigiisii oo maqal iyo muuqaal-ba lagu hayo oo ahayd “Minority”, waxaanu tilmaamay in turjumaad khaldan loo sameeyay, waxaanu magac dhabay wargeyska DAWAN iyo wargeysyo kale oo uu hafray, waxaanu yidhi  “Kalmada aan idhi  Soomaalidu waxa ay tidhaahdaa si xun wax u sheeg sixir ka daran, waxa weeyaan saxaafada ku xidhan Xukuumadda ama ay leedahayba sida Dawan,Somalilandtoday ama Saxansaxo ay si  khaldan u turjumeen oo intaa ay faa’iido ka dayeen.”
Mr. Sulub waxa uu haddana ku sii socday qiimaynta gurracan  iyo sumadaha  uu u kala yeelayo beelaha Somaliland, oo uu derajooyin u kala sameeyay, waxaanu  beelaha gobolka Awdal ku qiimeeyay beesha labaad, arrintaasi oo ah gef kale oo hor leh, waxaanu yidhi  “Samaroon Waxay  noqon kartaa beesha Labaad ee Somaliland tiro ahaan tayo ahaan iyo deegaan ahaanba,saddex dal bay dagtaa Somaliland, Itoobiya iyo Jabuuti, taasi wax la sheegayo maaha.”
Ma aha markii u horaysay ee Siciid Sulub aflagaadeeyo beelaha Somaliland, waxaanu dhawaan cambaareeyay cuqaal iyo waxgarad ka soo jeeda beel ka mid ah beelaha Hargeysa.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply