Daacish oo sii daysay Dad ay Afduub u Haysteen

0
413

Dagaalyahanada kooxda khilaafada Islaamka ee woqooyiga dalka Ciraaq ayaa sii daayay boqolaal qof oo ka tirsan dadka Yazidiga.
Dadkan ayaa muddo afduub ay u haysatay dowladda Islaamka, waxaana la kexeystay xilligii uu socday dagaalkii ay ku qaadeen dhulka ay degaan Yazidiga.
Dadkaasi ayaa u tallaabay dhanka ay maamusho koox dagalaayahano ah oo Yazidi ah.
Waxaa soo dhaweeyay saraakiisha maamulka kurdiyiinta, haddana waxaa la sheegayaa in meel amni ah la geeyay.
Kooxda la sii daayay ayaa waxa ay isugu jireen rag, dumar iyo carruur.
Khilaafada Islaamka ayaa horey loogu eedeeyay inay xoog ku guursadeen gabdho Yazidi ah oo adoonsi ahaan ay u haystaan.
 

Leave a Reply