Maraykanka oo Wafdi u Diray Kuuba

0
407

Wafdi ka socda congress-ka maraykanka ayaa gaadhay caasimada Kuuba ee Havana, waxaanay noqonaysaa  booqashadii ugu horaysay oo shaqsiyaad maraykan ah ay ku tagaan Kuba tan iyo markii bishii hore maraykanka iyo Kuba ay ku heshiiyeen in ay dib u soo celiyaan xidhiidhkooda diblomaasiyadeed.
Siyaasiyiintan maraykanka oo ka tirsan xisbiga demoqaraadiga ayaa waxa ay la kulmi doonaan saraakiisha Kuba iyo hoggaamiyaasha shacabka, waxayna ka wada xaajoon doonaan tallaabooyinka muhiimka ah ee loo baahanyahay in la qaado sidii dib loogu soo celin lahaa xidhiidhka dibloomaasiyadeed ee go’ay 1961-kii.
Maraykanka ayaa waxa uu khafiifiyey xayiraadihii safarka ee uu ku soo rogay Kuba, halka kuba-na ay xabsiga ka sii daysay in ka badan 53 maxabiis, kuwaasi oo ay codsatay Washington in la sii daayo.
 

Leave a Reply