“Madaxweynuhu Haddii uu Meel Tago oo Hawshiisa Dhamaysto Ma Waxa La Odhanayaa Maxaad u Seexan Wayday?”

0
411

Hargeysa (Dawan) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan-dheere) oo ka mid ah Mudanayaasha Xisbiga tallada haya ee KULMIYE ugu jira Golaha Wakiiladda ayaa si adag u difaacay Safarka Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo uu ku marayo Goboladda dalka,waxaanu duray aragtiyo ay xisbiyadda mucaaridka ahi ka bixiyeen socdaalka weftiga madaxweynaha.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere oo shalay Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa  waxa uu hadalada Mucaaridka ka soo yeedhay ku tilmaamay kuwo aan macno ku fadhiyin, waxaan hadaladiisii ka mid ahaa  “Anigu waxyaabaha qaarkood waan la yaabaa.Waxaad moodaa hadallada qaarkood ee Mucaaridku ku hadlayo in xaasidnimo badani ka muuqato.Nin weyn oo siyaasi ah oo dalkan xil ka rabana inuu siyaabaha qaarkood u dhaqmo maaha.”
Xildhibaanku waxa uu intaas ku daray  “Bulshada Somaliland waa isku wada mid,Madaxweynuhuna meel walba seexan maayo, haddii uu maalinimo meel ku soo hagaago oo hawshiisa ka dhamaysto ma maxaad u seexan wayday baa la odhanayaa?, waxaan qabaa inuu Madaxweynuhu aad iyo aad ugu amaanan-yahay hawsha wakhtiga adag uu ka fulinayo, Deegaamada uu marayo ee bari iyo Galbeedba leh.”
 
Xildhibaanku waxa uu sidoo kale difaacay Xubnaha Wasiirrada ah ee xubnaha  ka ah Weftiga Madaxweynaha, waxaanu yidhi  “Wasiirrada la socdaana waa kuway shaqadoodu ahayd meelaha uu marayo, Madaxweynuhu muxuu kaligii ka doonayaa Wasiir bay shaqadiisa tahaye, shaqada qaranku ma in xafiiska uun la fadhiyaa, waxa weeye hadal iska nacasnimo ah oo xaasidnimo ah, waa hadal aad is odhanayso makas  ayaa tidhi oo aqoon darro ah maba xisaabtamayaanba.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply