Dawladaha Caalamka Iyo Ahmiyada Xafiiska Hab-Maamuuska (Protocol Office)

0
653

Tan iyo  markii Jamhuuriyadda Somaliland madaxbanaanideeda dib ugala soo noqotay wadankii Soomaaliya ee ay hore uga tirsanaan jirtey 18 May 1991-kii, oo hada laga joogo muddo rubuc qarni ku dhow ayaa waxaa jirey, oo  had iyo jeer nidaamkeena dawladnimo ka muuqanayey mudadaas oo dhan is dhex-yaac,  iyo is jiidh-jiidh faro badan oo ku tusaya in aynaan lahayn waxa la yidhaahdo nidaamka hab-maamuuska. Kaas oo  jiritaankiisa iyo ku dhaqankiisuba hanaanka dawladnimo ee casriga ah u yihiin wax daruuri ah oo muqadisnimo u dhow, isla markaana ay dunida oo dhami maanta ku dhaqanto. Balse xageena aad moodo  inaanay malaha cidiba hoos u eegin, sida uu yahayna aan   loogu dhaqmin ilaa maanta oo marka laga soo bilaabo Madaxweynihii u horeeyey ee Md Cabdiraxmaan Axmed Cali ilaa Madaxweynaha haatan xukunka haya ee Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ay afar Madaxweyne iyo xukuumadahoodii iska bedeleen hoggaanka dawladnimo ee dalkeena, ayaa in waxa xaqiiq ah inaanu sidii loo baahnaa u shaqaynin Xafiiskeenii hab-maamuusku,
isla markaana  aan la siin mudnaantii uu lahaa xafiiskaasi  oo ka mid ah waaxyaha muhiimka ah ee hoos yimaad xarunta Madaxtooyada. Waa xafiis looga baahan yahay inuu muujiyo, soona saaro haybadda iyo kala dambeynta dawladnimo ee xagga nidaamka hab-maamuuska, isagoo ku shaqeeya nidaam iyo qawaaniin  caalami ah oo ay dunida oo dhami  isku raacday, kana siman tahay. Waxa kale oo uu  xafiiska hab-maamuusku hadii loo baahdo ku shaqayn karaa  habab iyo shuruuc gooniya oo ay dawladiisu si gaar ah  ugu dejisay. Sidaas darteed xafiiska hab-maamuusku waa xafiis muhiim ah oo aanay dawladnimadu ka maarmin, si weyna  looga dembeeyo oo shaqadiisa  lagu xaq dhawro. Sidoo kalena shaqadiisa iyo  nidaamkiisa hab-maamuuskuba waa kuwo aanu Xafiiska laftiisu wax xadgudub ah  ka sameyn karin, maadaama uu yahay xafiiskani ka ilaaliya sharafta, karaamada, haybadda iyo kala dambeynta dawladnimo, nidaamka uu u shaqeeyo iyo hawlaha uu qabtaana ay yihiin kuwo qaar caalami ah oo
inta badan laysla wada yaqaan, isaguna uu u filiyo sida ay yihiin oo keliya.
Xafiiska hab-maamuuska waxaa mar walba hoggaamiya oo looga dambeeyaa  qof  keliya oo la yidhaahdo   Madaxa hab maamuuska           “Chief of Protocol”,  kaasi oo ah qof ku caan baxay oo khibrad weyn  iyo aqoon fiican  u leh hawsha  Xafiiskaasi qabto, kaas oo la yidhaahdo
 
Hawlaha uu qabto qofka xafiiskan loo igmadaana waa kuwa cayiman oo caalamku ku wada dhaqmo. Sidoo kalena Xafiiska hab maamuusku waxa uu ka mid yahay waaxaha lagama maarmaanka ah ee ahmiyada gaarka ah u leh Madaxtooyo kasta oo dunida ka jirta, inkastoo meelaha qaar ay dalalka qaarkood  kaga duwanaan karaan dunida inteeda kale, marka la eego dhinaca qaab dhismeedka xafiiskaas iyo nidaamka uu hawshiisa u guto, waxaase hubaal ah inaanu jirin farqi aad u weyn oo u dhexeeya shaqooyinka ay qabtaan xafiisyada hab-maamuuska ee dawladaha dunida intooda badani.
Xafiiska hab-maamuuska, waxa uu si toos ah ula shaqeeyaa oo uu ka gacan siiyaa hawlaha hab- maamuuska saddex xafiis oo kala ah:

  • Xafiiska Madaxweynaha
  • Xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka
  • Xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibedda.

Bal haddaba, si aan u dhawrno nidaamkeena xagga hab-maamuuska, ugana baxno isbarbar orodka iyo yaan lagaa badinta aan cilmiga ku dhisnayn, sidoo kalana  cid kastoo ay khusaysaaba ugu xaq dhawraan xafiiska  shaqadiisa hab-maamuus, loogana daayo ka maroorsiga dhaqanka aan ka dhiganay ee  khalkhalisay nidaamkii hab-maamuuska lagu yaqaanay, ayaa waxan halkan si kooban idiinku soo gudbinayaa qodobada aasaasiga u ah ee ay lagama maarmaanka iyo waajibkaba ku yihiin inuu ku shaqeeyo oo uu qabto qofka xilka xafiiska hab-maamuuska loo dhiibaa, waana sidan:

  • Inuu qorsheeyo oo uu fuliyo dhamaan barnaamijyada ku lug leh hoggaamiyayaasha ajnebiga ee dalka ku yimaada booqasho rasmiya,waana inuu u raacaa oo horkacaa meel kasta oo ka mid ah dalka  muddada  ay ku sugan yihin dalka oo ay ka mid tahay booqashada iyo kulannada  ay la yeelanayaan Madaxweynaha iyo Madaxda kale ee qarankaba.
  • Inuu ku weheliyo Madaxweynaha socdaallada uu ugu baxayo dalalka dibedda, maadaama uu madaxa Xafiiska hab-maamuusku “Chief of Protocol” yahay ka looga baahan yahay inuu xidhiidh kala sii sameeyo dhammaan arrimaha uu u tagayo Madaxweynuhu dalkaasi, isagoo cid kasta oo uu  la kulmayo iyo arrinta uu kala hadlayaba ka sii diyaarinaya ballamo  waqtiyeysan madaxda dalka martida loo yahay ka hor ka ambabaxa dalka ee Madaxweynaha.
  • Inuu nidaam u sii dejiyo oo uu  horkaco madaxda uu Madaxweynuhu u mgacaabo inay ka qayb galaan, iyagoo ka wakiila isaga munaasibadaha dalalka dibedda ka dhacaya ee ay ka midka yihiin aasaaska heer qaran, aroosyada, munaasabadaha maalinta xuska xorriyaddooda iyo furitaanka ama qabashada xafladaha kale ee muhiimka ah.
  • Inuu diyaariyo xafladaha rasmiga ah ee madaddaalada ah ee uu Wasiirka Arrimaha Dibeddu ugu qabanayo sida gaarka ah diblomaasiyiin dalka ku sugan ama kuwa booqasho ku jooga.
  • Inuu soo jeediyo in la bixiyo hadiyado rasmi “Official gifts” oo ay bixiyaan Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka,  Wasiirka Arrimaha Dibedda ama Marwooyinkoodu oo mid walba dhiggiisa siin karo, waxanu soo xulaya, soona iibnaya hadiyadahaasi, waxana waajib ku ah inuu keydiyo dhokumentiga si loogu daro warbixinaha sannadkaasi.

La soco………………….
By: Cabdillaahi  A. Cumar “Wayab”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply