Waxgaradka Xudun Oo Cabasho Ka Muujiyay Dugsiyo Waxbarashada Oo Aan Ka Jirin Deegaankooda

0
434

Xudun (Dawan): Odayaasha iyo waxgaradka ku dhaqan tuuladda Laaso-xurdan ee gobolka Sool, ayaa ugu baaqay xukuumadda Somaliland iyo hay’adaha caalamiga ah inay wax ka qabaan ama gacan ka geysato dhismaha dugsiga magaaladaasi oo aan ku filayn ardayda.
Ismaaciil Cabdi Maxamed, oo ka tirsan waxgaradka tuuladda Laaso-xurdan ee degmadda Xudun, oo shalay la soo xidhiidhay Dawan, ayaa tilmaamay in tuuladaasi uu ku yaalo hal dugsi oo hoose, oo ka kooban laba qol oo keliya, kuwaasi oo aan ku filayn ardayda wax ka barata, oo uu sheegay inay tiradoodu gaadhayso ilaa 200, oo arday.
Oday Ismaaciil Cabdi Maxamed, waxa kale oo uu sheegay in labadaasi qol ee dugsigaasi ay u dhistay hay’ada Care international, isla markaana aanay labadaasi qol ku filnayn marka loo eego tirada ardayda oo aad u badan isagoo ugu baaqay xukuumadda Somaliland  gaar ahaana wasaaradda waxbarashadda in wax laga qabto dhibaatada ardaydaasi ka haysata dugsi la’aanta.
Waxa kale oo ay sheegeen waxgaradka deegaanka Laaso-xurdan inaanay tuuladaasi ka jirin wax adeegyo bulsho ah, sida xarumo caafimaad, biyaha iyo waxyaabo kale, isla markaana ay arrintaasi dhibaato aad u weyn ku hayso, waxaanay xukuumadda Somaliland ugu baaqeen in wax laga qabto baahiyaha ka jira deegaankaasi.
Dhinaca kale Maamulka Degmadda Xudun ee gobolka Sool, ayaa mudooyinkanba waxay ku hawlanaayeen la dagaalanka dhuxusha oo deegaankaasi si aad ah looga shido.
Guddoomiyaha Degmadda Xudun Faarax Cilmi Ibraahim oo shalay telefoonka ugu waramay Dawan, isagoo joogay magaaladda Xudun, ayaa sheegay in mudooyinkan danbe maamulka  degmadaasi ay deegaamadda hoos yimaada ay ka wadeen olole balaadhan oo ay kula dagaalamayeen shidista dhuxusha.
Waxaanu  tilmaamay Faaraax, in ay sii wadaayaan hawsha ay kula dagaalamayaan dhuxusha oo uu sheegay inay ku dedaalayaan sidii ay uga joojin lahaayeen shidista dhuxusha, taasi oo ku xusay inay xaaluf balaadhan iyo dhibaato burburinta deegaanka ah ku haysa deegamadaasi.
Faarax Cilmi Ibraahim, ayaa ugu baaqay xukuumadda in ay gacan ka siiso sidii ay wax uga qaban lahaayeen la dagaalanka ay kula jiraan dhuxulaysatadda, isagoo ka codsaday in ay u baahan yihiin gaadiid iyo ciidamo boolis ah oo hawshaasi kala qayb qaata.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply