Nin Booliska Interpol Raadinayo oo Wasiir ka Noqday Afgaanistaan

0
447

Xafiiska madaxweynaha dalka Afghanistaan ayaa billaabay baadhitaan kaddib markii ay soo baxday in wasiir uu Madaxweyne Ashraf Ghani magacaabay ay doondoonayaan booliska caalamiga ah ee Interpol.
Wasiirkan oo loo dhiibay wasaaradda beeraha ayaa la sheegayaa inuu ku jiro liiska dadka ay Interpol raadinayaan.
Mohammad Yacqub Xeydari ayaa laga baadi goobayaa dalka Estonia, waxaana loo haystaa in uusan bixin canshuuro laga doonayay sanadkii 2003-dii.
Mr Xeydari ayaa sheegay in uu yahay dhibane shirqool siyaasadeed loo dhigay.

Leave a Reply