Samafalka Iyo Xidhiidhinta Qaraabada

0
1505

Anas (Rc) wuxuu yidhi: Rasuulka Allah (scw) ayaa yidhi: “Qofkii doonaya in risaqa loo balaadhiyo, cimrigana loo dheereeyo, qaraabadiisa (Ehelkiisa) ha xidhiidhiyo”.
(Bukhaari iyo Muslim)
Caa’isha (Rc) waxay tidhi: Nebigu (SCW) wuxuu yidhi: “Qaraabadu carshigay ku dhaggan tahay oo waxay tidhaahdaa: Allah (sw) wuu xidhiidhinayaa oo gacan qabanayaa qofkii i xidhiidhiya oo i gacan qabta; Allah wuu goynayaa qofkii i gooya”. (Bukhaari iyo Muslim)
Zaynab As-Saqafiya (Rc) xaaskii saxaabiga Cabdullaahi bin Mascuud waxay tidhi: Nebiga (SCW) ayaa koox dumar ah khudbad u jeediyay wuxuu yidhi: Sadaqo la baxa, dumarkoow, waxaad isku qurxisaanba ha ahaatee’ Markaan taa maqlay baan u tagay ninkeygii kuna idhi: Waxaad tahay nin sabool ah oo aan waxba haysan, Nebiguna (SCW) inaan wax la baxno ayuu na faray, ee intaad u tagtid soo waydii inay adiga taydu kugu baxayso sadaqo ahaan, haddii kale aan cid kale siiyee.
Cabdullaah bin Mascuud wuxuu yidhi: Adigu shakhsi ahaan u tag oo arrintaa weydii. Markaasi ayaa u tegay mise haweeney Ansaariyad ah oo sidayda oo kale ah baa albaabka Nebiga joogta oo arrintayda oo kale doonaysa. Waxaan ka xishoonay inaan u galno Rasuulka (SCW), ka dibna waxa noo soo baxay Bilaal (Rc).  Waxaananu ku nidhi: U tag Nebiga (SCW) oo u sheeg in laba dumar aha albaabka ku sugayaan oo ay  doonayaan inay ogaadaan inay sadaqadu noogu baxayso nimankayaga iyo Agoonta ku hoos nool cid aan nahayna ha u sheegin. Bilaal (Rc) wuxu u tegey Nabiga (SCW) oo arrintayadii u bandhigay, wuxuu weydiiyey Nebigu (scw) waa kuwama? Bilaal (Rc) wuxuu yidhi: waa gabadh ansaar ah iyo mid kale oo Zaynab la yidhaahdo. Wuxuu weydiiyey Zeynab badane waa Zeynabtee? Bilaal (Rc) wuxuu yidhi: Waa xaaskii Cabdullaah (Rc) Nabigu (SCW) wuxuu yidhi: “Waxay leeyihiin oo loo qori doonaa laba ajar, ajarkii qaraaba xidhiidhinta, iyo ajarkii sadaqada”.  (Bukhaari iyo Muslim)
Cabdullaah ibn Camar ibn al-Caas (Rc) wuxuu Nebiga Ka weriyay:” Nin baa Nebiga (SCW) u yimid oo ku yidhi: “Waxaan doonayaa  inaan balan kugula galo inaan haajiro jidka Allena ku dagaalamo, anoo Alle ajar kaga doonaya”. Rasuulka Allah (scw) wuxuu weydiiyey: “waalidkaa mid ma nooli ma jiraa ? Ninkii wuxuu yidhi: labadiiba way nool yihiin. Rasuulka Allah (scw)  wuxuu weydiiyey: “Allah (sw) ajar ma ka doonaysaa? Ninkii wuxuu yidhi: Haah, Rasuul Allow. Rasuulka Allah (scw) wuxuu ku yidhi: Haddaba iyaga ku noqo oo si fiican ugu sheqee”.            (Bukhaari iyo Muslim).
 
 

Leave a Reply