Daraasad lagu Sameeyay Qiimaha Dawooyinka Caalamka

0
423

Daraasad caalami ah oo lagu sameeyay qiimaha dawooyinka caalamka ayaa lagu ogaaday in mararka qaar wadammada soo koraya ay ka dawo qaalisan yihiin kuwa horumaray, iyada oo dawooyinku ay isku mid yihiin.
Hay’adda caalamiga ah ee dhakhaatiirta aan xuduudalahayn ama MSF ayaa ogaatay in wadamada sida Marocco iyo Tunusia ay bixiyaan lacag kabadan ta ay faransiisku ku iibsadaan talaalka kolba-aaryada.
Shirkadda dawooyinka soo saarta ee Glaxo Smith Kline, waxa ay sheegtay in talaalka Kolba-aaryada ama Burikiitada in ay ku iibiso qiimo aad u jaban oo ay xataa adagtahay in dib looga helo kharashkii ay ku soo saartay, balse MSF ayaa ka dalbatay shirkada Glaxo in ay cadayso qiimaha ay ku soo saarto tallaalkaas.
MSF waxa ay sheegtay in qiimaha talaallada caruurta la siiyo ay ka qaalisanyihiin 68% intii ay ahaanjireen 2001.
Kate Elder oo ah lataliyaha Hay’adda MSF ee dhanka talaallada waxa ay sheegtay in qiimaha sareeya ay sabab u tahay dawooyinka tartan aan ka jirin suuqgaynta dawada cusub.

Leave a Reply