Qalaasaha Yaman: Fallaagada Xuutiyiinta oo Weeraray Guriga Madaxweynaha

0
392

Fallaagada shiicada xuutiyiinta ayaa duqeeyay guriga madaxweynaha  caasimada Yaman, halkaas oo ay ku jabiyeen xabbadjooojintii.
Madaxweyne  Abdrabbuh Mansour Hadi  ayaa la sheegayaa inuu kujiray gudaha guriga balse sarkaal ka hadlay  ayaa ku adkaystay inuu bedqabo.
Weerarka guriga  Mr Hadi ayaa yimi kadib markii ay fallaagadu galeen qasriga madaxtooyada oo ku yaal qayb kale oo magaalada ah, halkaasi oo isku dhac yari ku dhexmaray ilaaladii.
Yemen, oo isbahaysi muhiim ah  u ah  Maraykanka dagaalka uu kula jiro Al        Qaacidada gobolka  ayaa waxa carqaladeeyay degganaansho la’aan jirtay bilo.
Maleeshiyada Xuutiyiinta oo u raadinaya madaxbanaani ballaadhan gobolkooda ayaa qabsaday Sanca qaybo badan oo ka mid ah bishii septembar kadib markii ay ka soo ruqaansadeen waqooyiga oo ay ku xooganaayeen.

Leave a Reply