Tower Of Lodon: Ma Jiman Ayaa Degan Qasrigan?

0
439

Maydka Boqoradda la dilay Bolin ayaa sanduuq loox khafiif ah oo fudud ah lagu riday waxana lagu aasay meel hoose oo kiniisadda Church of St. Peter ka mid ah kuna taalla Qaseiga dhexdiisa. Haddaba qisada Bolin halkaasi kumay dhamaan miunaasabado badan oo danbe ayaa muuqaalkeeda naxdinta leh ay ku arkeen dad kala duwan. Sanadkii 1817 habeen qabow badan oo jiilal ah askari ka mid ah ilaaladii qasriga ayaa galay xaalad miyir la’aan ah, markii uu ka baxay koomadii ayuu sheegay inuu arkay gabadh qurux badan oo xidhan dharka boqorada laakiin aan madax lahayn taasi oo keentay inuu wareer ku dhaco oo uu garan waayo meel uu joogo. Askarigan miskiinka ayaa ayaa isla subaxii hore ee maalintaasi u dhintay naxdinta wadane xanuunka ah ee habeenkasi ku dhacay
Sheekadan aya mar kale soo noqotay sanadkii 1864 markii asakri ilaalinayay qarsigan uu miyir beelay ka dib markii uu arkay muuqaal gabadh bilaa madax ah oo xidhan dhar cad, oo dhex wareegysa qasriga isla habeenkaasi askar kale oo badan aya arkay muuqalkaasi aan la fahmi Karin laakiin iyaga wax isbedel ah kumay keenin. Sanadkii 1933 si lama filaan ah ayuu askari ka mid aha ilaaliyaasha qasrigu uu bilaabay qaylo dheer isagoo saxiibadii ka dalbaday ina caawiyaan markii ay yimadeen waxay arkeen inay goobtu tahay halkii lagu arki jiray muuqaalka gabadh madax go’an ee dhar cad xidhan.
Dad badan aya aaminsan inay tahay Bolin oo lagu dulmiyay qasriga, laakiin taasi waxa ka soo horjeeda dad kale oo badn oo sheegaya inay goobtani ahayd goob dulmi, iyo xasuuq oo ay jiraan kumanaan kale oo qoorta lagaga jaray qarsigan iygaoon denbi ka gelin dalka iyo boqortooyda midna. Waxa kale oo jiray dumar kale oo lagu dilay qasrigan oo ay ka mid ahayd gabadhii shanaad ee boqorkii Henerii IIV, oo magaceedu aha Catherine Howard, taasi oo qoorta lagaga jaray qasriga iyadoo da’deedu ahayd 19 sano ka dib markii lagu eedeyay khiyaamo iyo gogoldhaaf. Erayadii ugu danbaysa ee ka soo baxay aya aha” Hadda waxaan dhimanaya anigoo boqrad ah waxanse ka jeclaan lahaa inan dhinto anigoo ah xaaskii Culpeper” oo ah nin uu boqorku qasriga ku dilay isaga iyo saaxiibkii Francis Dereham ka dib markii uu uga bqady boqttooyadiisa.  Waxa kale oo qasrigan lagu dilay Jane Grey oo loo yaqanay boqoradii sagaalka malmood waayo sagaal maalmood oo keliya ayay boqrad ahayd, oo ay dileen ciidamo ay lahayd Gabadhii uu dhalay boqorka Henery VIII.
 

Leave a Reply