Boqor Cabdalla iyo Reer Galbeedka

0
716

Boqorka cusub ee Sacuudi Carabia, Boqor Salmaan ayaa ballanqaaday inuu sii wadi doono siyaasadihii ay dalka ku maamulayeen boqoradii isaga ka horeyey. Waxay ka dambeysay markii qasriga boqortooyada Sacuudi Carabiya lagaga dhawaaqay inuu habeen hore  geeriyooday boqor Cabdalla oo ku dhintay isbitaal ku yaalla magaalada Riyaadh, oo in dhaweyd lagu daweynayey, sidan ayuu u baahiyey TV Sacuudiga geeridii boqor Abdalla.
null
Dalal dhowr ah ayaa tacsi u diray qoyska boqortooyada Sacuudiga. Waxaa ka mid ah madaxwayne Obama oo dadka Sacuudiga iyo qoyska boqortooyada uga tacsiyeeyay geerida boqor Cabdalla.
Wuxuu sheegay in uu saaxiibtinimo dhab ah oo diiran uu Maraykanka la lahaa, isagoo ammaanay sida boqorku u ahaa nin aan leex leexad aqoon, oo aan ka gaban jirin waxa uu aaminsan yahay. Waxyaabaha laga dhaxlay ayuu ku tilmaamay in ay ka mid yihiin xoogga uu u yeelay xidhiidhka Maraykanka iyo Sacuudi Carabiya.
Ra’iisul wasaaraha Britain, David Camron, ayaa sheegay in uu aad uga naxay geerida ilaaliyaha labada xaram, wuxuu sheegay in lagu xusuusan doono howsha uu muddada dheer u soo qabtay sida sida nabadda iyo isfahamka diimaha dunida loo xoojin lahaa.
Wuxuu sheegay in uu rajaynayo in xidhiidhka u dhaxeeya labada boqortooyo ay sii socon doonto, lana awoodi doono in la sii wado ka wada shaqaynta xoojinta nabadda iyo barwaaqada dunida.
Madaxwaynihii hore ee Isreal, Shimon Peres, ayaa isna ka tacsiyeeyay geerida boqorka, isagoo ammaanay dadaalkiisii uu qorshe nabadeed oo shaqayn kara gobolku ugu raadinayay:
“Geerida boqorka, waxay qasaare u tahay Bariga dhexe, iyadoo nabadda bariga dhexe uu qasaare dhab ah soo gaaray. Wuxuu ahaa hogaamiye khibrad badan, boqor caqli badan, wuxuuna ahaa nin ku dhiirada go’aankiisa xilliyada adag in uuu istaago oo qorshe nabadeed u keeno bariga dhexe. Ma hubo in aan aqbali karnay dhamaan qodobada ku jiray qorshaha nabadda, balse niyadda, awoodda iyo xikmadda uu galiyay ayaan dhamaan aad ula dhacnay, waxaana u haysannaa in ay sal dhab ah u noqdaan nabadda. “Shimon Peres.
Hogaamiyayaasha dunida ee ka jawaabay geerida boqorka Sacuudi Carabi waxaa ka mid ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon, oo ku ammaanay boqorka doorkiisii nabadda bariga dhexe:
“Waxaan jeclaan lahaa oo kale in aan xuso dadaalkii Cabdalla uu diiradda ku saarayay xilliga adag waliba dhibaatooyin kuwa gobolka iyo caalamkaba ah oo loo baahnaa isbadal deg deg ah, si loo dardargaliyo iskaashiga diimada dunida. Wuxuu si xoog ah u hogaaminayay hindise nabadeed oo reebay raad adag, kaasoo keeni kara wali in nabad loogu soo dabaallo bariga dhexe.” Ban Ki-Moon.
Boqorka geeriyooday, waxaa soo martay xaalad adag oo ahayd sidii uu isugu dheeli tiri lahaa xiriir uu la yeesho reer galbeedka iyo sidii uu u raaligalin lahaa ra’yiga dadwaynaha gudaha dalkiisa.
Todobaatameeyadii Cabdallah wuxuu xoog u dhaliili jiray siyaasadaha Maraykanka ee bariga dhexe, isagoo raadin jiray Midnimada Carabta. Wuxuu aaminsanaa in midnimada Carabtu ay shidaalka qaniga ay ku yihiin ay u badali karto hub awood badan oo looga hortago awoodaha reer galbeedka.
1991-dii kadib weerarkii Iraq ee Kuwait, Cabdullah oo ahaa amiirka dhaxalka leh wuu ka labalabeeyay in uu taageero ciidamada Maraykanka ee Sacuudiga xarunta looga dhigay, isagoo rumaysnaa in lala heshiiyo Sadam Hussein in ay ka wanaagsanayd dagaal lala galo balse waxaa ka amar waynaaday boqor Fahd.
Muddo kooban ayuu xukunka hayay markii 1995-tii uu xanuunsaday boqor Fahad, xilligaas oo Maraykanku ka shaki qabay in uu xajin waayo xiriirkooda.
1997, waraysi uu siiyay wargays Lubnaan ka soo baxa ayaa Cabdalla wuxuu sheegay in Sacuudigu saaxiib la ahaan doono Maraykanka, balse aanay danta dalka Sacuudiga, tan carabta iyo muslimiinta guud ahaan ka hormarin karin tan Maraykanka.
Intii la diyaarinayay weerarkii Maraykanka ee Iraq, Sacuudigu wuxuu sheegay in uusan ogolaan doonin in diyaaradaha Marayknku ka duulaan saldhigga Amiir Sultan ee Sacuudi Carabiyga ilaa Qaramada Midoobay ay ka amrayso dagaalka.
Sanadkii 2002, Jaamacadda Carabta ayaa ansixiyay hindsi uu Cabdalla soo jeediyay in lagu soo afjaro khilaafka Carabta iyo Isreal oo ay ku jiraan heshiisyo nabadeed oo lala galo Isreal hadii Isreal ay si buuxda uga baxayso dhulkii ay qabsatay 1967, lana abuuro dal Madaxbanaan oo Falastiin leedahay.
 
Madaxwayne George W. Bush ayaa xilligaas diiday qorshaha, taasoo keentay in Cabdalla uu yiraahdo madaxwayne Bush si qaldan ayaa wax loogu sheegay.
Cabdalla, wuxuu si rasmi ah ula wareegay xukunka boqortooyada bishii August sanadkii 2005, markaas oo uu geeriyooday boqor Fahad oo muddoba xanuunsanaa.
Sanadihii ugu dambeeyay, waxaa jirtay xiisad Maraykanka iyo Sacuudiga.
Xukuumadda Riyadh waxay shaki ka muujisay wadaxaajoodka uu Maraykanku la galay Iran dhinaca barnaamijka nuclear-ka.
Dhinaca Syria-na, Boqor Cabdalla wuxuu ka doonayay Maraykanka in uu qaato go’aan ka adag kan uu ka qaatay dalka Syria.
Taxanaha dhaxalka Boqortooyada Sacuudiga:

boqor reer sucuudi

Leave a Reply