Itoobiya & Turkiga oo Kor u Qaadaya Xidhiidhkooda Ganacsi

0
414

Madaxda Wadamada Itoobiya iyo Turkiga  Haila Marian Desaglean iyo Rajjab Dayib Ordogan oo maalintii Khamiista kulan ku yeeshay Magaalada Addis-Ababa waxay ku heshiiyeen in la sii kordhiyo iskaashiga dhinaca ganacsiga iyo maalgashiga ee labada wadan ka dhexeeya kaasoo muddooyinkii u dambeeyey gaadhayey ilaa afar Bilion oo Doolarka Maraykanka ah.
Iyadoo dawladda Turkiguna maalgashi xoogan ka wadda gudaha Itoobiya. Ayaa Maalgashigaasi waxa uu sababay inay abuurmaan in ka badan 32 Kun oo fursadood oo shaqo, xilli is dhaafsiga ganacsi ee labada waddan uu sanad walba gaadho qiime ka badan shan Boqol oo Milion oo Doolarka Maraykanka ah.
Raysalwasaaraha Dalka Itoobiya Haila Marian Desaglean oo ka hadlayey kulankii balaadhnaa ee labada wadan ku yeesheen Magaalada Addis-ababa waxa uu sheegay in loo baahan yahay inay Turkiga iyo Itoobiya qaadaan dadaal dheeraad ah si loo dhaafo oo looga gudbo xuduudaha ganacsi iyo kuwa maalgashi ee weli muuqda. Raysalwasaaraha oo arintaa ka hadlayana waxaa hadaladiisii ka mid ahaa: “ labada waddan waxay u baahan yihiin inay mideeyaan dadaalkooda si loo xaqiijiyo gaadhitaanka ujeedooyinka ugu fog ee ay ka wada leeyihiin dhinaca maalgashiga iyo ganacsiga”.
Haila Marian Desaglean waxa kale oo uu bogaadiyey kaalinta ay maalgashadayaasha turkigu ku leeyihiin koboca dhaqaale ee dalkiisu ku socdo, iyo sida ay ugu kalsoon yihiin inay la sii ahaadaan xulafo dhaqaale.
Rajab Dayib Ordogan madaxweynaha wadanka Turkiga oo isna kulankaasi ka hadlay waxa uu sheegay in dalkiisu sii balaadhinayo xidhiidhka iskaashi ee uu la la wadago Itoobiya, ujeedada socdaalkiisuna ay taa ku qotonto, kordhinta maalgashiga Turkiguna uu tiir dhexaad u yahay siyaasadda ay Dawladiisu ku doonayso inay ku dhisto xidhiidh jirrido adag ku taagan oo ay la sii yeelato dalka Itoobiya, isagoo raysalwasaaraha turkigu caddeeyey in Kheyraadka dihin ee Itoobiya ku jira iyo shaqada ay diyaarka u yihiin uu mustaqbalka dhaqaale ee Itoobiya ka dhigayo mid ifaya.
Dhanka kalena  Warbixin uu soo saaray Baanka Addunka ayaa lagu xaqiijiyey in xaaladda faqriga ee Itoobiya ay si weyn hoos ugu dhacayso iyadoo tan iyo sanadkii 2011 ilaa hadda 33% ay hoos u dhacday xaaladda faqriga ee wadankaasi, waxana warbixinta Baanka adduunka oo la baahiyey 21 bishan janaury lagu sheegay in korodhka wax soo saarka Beeraha uu yahay sababta ugu weyn ee yaraysay faqrigii ka jiray wadankaasi oo ay dhowaan 26.2 Milion oo ruux isu diiwaangeliyeen codbixinta doorashooyinka dalkaasi ka qabsoomi doona bisha May ee sanadkan.
 

Leave a Reply