Madaxweynahii Yemen oo Iscasilay

0
387

Madaxweynaha Yemen, Abdrabbuh Mansour Hadi iyo xukuumaddiisa ayaa gudbiyay istaqaaladooda, xilli ay xooggaga Xuutiyiinta qabsadeen madaxtooyadda magaalada Sanca.
Iscasilaada madaxweynaha iyo xukuumaddiisa, ayaa horseedi karta in Yemen ay gasho xaalad siyaasadeed oo khatar ah.
Mr Hadi ayaa gurigiisa ku go’doonsanaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay, kaddib markii ay isku gadaameen dagaalyahanno Xuutiyiin ah.
Waxa uu sheegay in aanu xukunka sii wadi karin, maadaama Xuutiyiinta ay ka baxeen heshiis ahaa in ay go’doominta ka qaadaan aqalka madaxweynaha.
Iscasilaadiisa ayaa noqon karta wadada keliya ee furneyd madaxweynaha.
Jabhadda ayaa si shaac baxsan u soo dhaweysay iscasilaadaasi, balse ma ahan wax ay doonayeen.
Xukun weliba oo ay Xuutiyiinta sameeyaan, ayaan laga aqbali doonin Koonfurta dalka, oo ah halka ay ku nool yihiin Suniyiinta leh aqlabiyada dalkaasi.
Waxaa sidoo kale jirta cabsi ah in garabka Al-Qaacida ee dalkaasi ka howlagala, uu ka faa’iideysto jahawareerkan siyaasadeed
 

Leave a Reply