Dalka Swisertland shirkad lagu magacaabo Aervollgesoal ayaa baahisay xayaysiis noqday kii ugu horeeyay ee la maqlo. Shirkadan ayaa sheegtay in dadka doonaya in caruurta u dhalata magac loogu bixiyo ay la soo xidhiidhaan shirkadan si loogu dooro magaca fiican. Shirkadda ayaa sheegtay in magaca ay u bixinaysaa uu noqonayo magacyada dhifta ku aha dunida isla markaana uu jeclaysan doono waalidku.
Shirkada Aervollgesoals ayaa sheegtay in qiimaha laga qaadayo qofka magaca loogu bixinayo ilmihiisa uu noqon doono 21 kun Ginniga Ingriiska ah. Waxaana ay sheegtay inay doonayaan in dadka maalqabeenka ahi ay macmiil u noqdaan, kuwaasi oo lacagtan si dhib yar u bixin kara. Shirkadan ayay shaqaale u yihiin 13 aqoonyahan oo baadhaya magaca naadirka ee loo bixin karo ilamaha dhasha. Waxa kale oo shirkadda ka sheqeeya 12 Turjumaan oo haddii uu waalidku u baahdo in magacaasi luqad kale loogu turjumo isla markiiba bedelaya. ( Kuliyoum 25/01/2015).