Wasiir Cadami Oo Si Xeel-dheer Ugu Quus-gooyay Maamul-Goboleedka Puntland Oo Eedo Midaamo ah Somaliland u Soo Jeedisay

0
480

Hargeysa(Dawan):- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami,ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedayn Maamul Goboleedka Garoowe Somaliland ugu jeediyay  Markab  hub siday oo lagu qabtay  dekeda Berbera, kaas oo  Maamulka Puntland  sheegay in loo wado kooxda Argagixisada caalamku u aqoonsaday ee Al-Shabaab.
Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland waxaa kale  oo uu sheegay in Markabku siday  hub  sharci  darro ah dawlad ahaanna Somaliland ay xaq u leedahaday in ay qabato Markabkaa hubka siday sharcigana la tiigsato.
Waxaanu intaa raaciyay Wasiir Cadami in Hubka iyo Markabkaba la haynayo isla markaana ay marinayaan  sharciga caalamka uga yaalla hubka sharci darrada ah ee badaha laga gudbiyo,waxaanu  sidaa ku       sheegay   waraysi  gaar ah oo uu  xalay khadka tilifoonka ku siiyay Wargeyska DAWWAN
 
Wasiir Cadami oo aanu waydiinay waxay kaga jawaabayaan eeda Puntland dusha ka saartay, waxaanu yidhi  “Horta dawlad waliba waxay xaq u leedahay in ay qabato wax  kasta oo sifo sharci darro ah dalkeeda ku soo mara, hubkanna Somaliland baa qabatay waanan sheegnay  in aanu  gacanta ku hayno sabab ninka Garoowe joogaa uu u yidhaahdo hubkaa ciddaasaa loo wadaa waxay ila tahay waa hadal la iska yidhi,. Annaga  (Somaliland) ayaa hubkaa hayna meel loo wado ama imika  la geynayaana  ma jirto waa hub sharci darro ah oo aanu qabanay sharcigaana la marinayaa,ninkaa  Masuulka sheeganaya ee Puntland u hadlayna wuxuu ku kacay iyo hadalka uu yidhi xataa haddii col la yahay maaha in beenta intaa leeg la  iska sheego,  waxaanan leeyahay tuugu  isagu isma xado ee dadka kale ayuu xadaa Somaliland-na waxay qabatay tuug markaa  haddii ay Puntland tuugo   tahay iyaday u taallaa  Caalamka ay doonayaan in ay wax u sheegaanna  wuu na kala yaqaanaa cidda ay nala xidhiidhinayaan kaayaga  u dhaw anaga(Somaliland) iyo Puntland.
Caalamkuna wuu ogyahay Somaliland siday uga  qayb  qaadato nabad gelyada mandaqada aanu ku naallo oo iska hawlo badan iyo guud ahaan nabad gelyada caalamkaba.  hubka aanu qabanayna imika  cidna werwer kuma hayo dawlad jaarkeeda iyo dawladaha dariskuba ka ammaan helaan ayaanu nahay  oo shaniyo labaatan sanadood nabad ku dhisan  Caalamkana kula macaamisha wax nin iska  hadlay uu yidhina dal loo maqlayo ma nihin  hubkaasina  wuxuu  wax yeelo gaysan lahaa isagoo aan la qaban kol haddii aan la ogayn cid leh oo loo  wadayna waa waajib nasaaran inaanu na dhaafin hubkaas iyo  Markabka sidayba sharcigana la soo taago,  Maxkamad ayaanan saaraynaa Markabkaasi.”
 
 
 
“Horta  sii dayni ma jirto sababtoo ah waxaa Markabkan lagu hayaa ee uu sidaa waa hub sharci darro ah caalamkuna shuruuc buu leeyahay markaa sharciga caalamka ee gudbinta      hubka sharci darrada ah ayaanu marinaynaa, kol haddii aanay ku jirin waxyaabaha  maana feestada  rarka uu sido aanay ku jirin lana garanayn meel loo wado iyo dawlad leh midnaba markaa wax la sii daynayaa ma jirto, Markabkana ciidanb aa saaran oo ilaalinaya mana goosan karo wuxuu sharcigu mariyo ayuun baanan  kula dhaqmaynaa oo kaliya,”ayuu ku dooday Wasiirka Gaashaan-dhigu.
Mar aanu waydiinay Wasiirka inay jiraan wali cid la  soo xidhiidhay Somaliland  oo sheegatay hubka Markabku siday ayaa ku jawaabay. “Horta ma jirto  cid ku dhiiran karta in ay tidhaahdo  hubka  annaga naloo waday, laakiin  waxaa jira  niman  sheegay inay  wakiilo u yihiin Markabka oo  uu ka  mid yahay shirkad Maraakiibta  ah  oo ka diiwaan gashan  dalka Suudaan taa lafteedana baadhitaan ayaanu ku  wadnaa in shirkad weyn oo jirta in ay tahay iyo in ay shirkad tuugo ah tahay oo ka ganacsata waxyaabaha kootarabaanka ah waxaana imika la waraysanayaa  oo baadhitaan ku socdaa Kabtankii Markabka,Markabkanina wuxuu la  mid yahay kii la odhan jiray Sonkor cune ee Berbera Sonkorta keenay kaasoo Sonkortii uu Berbera  u siday si suuq madaw ah meelo kale uga soo iibiyay Berberana wax yar keenay  oo halkaa lagu xidhay kuna daxalaystay oo aakhirkii iskaraab noqday kanna waa mid  wax tuugo ah oo waliba khatar  ku ah nabad gelyada caalamka sida laakiin waxaa guul noo ah in  hubkaa  aanu gacanta  ku dhignay kana hor tagnay khatartii   uu ammaanka caalamka ku noqon lahaa.”
Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply