Aabaha Duuliyihii la Gubay oo Dalbaday Aargoosi

0
408

Aabaha dhalay duuliyihii Jordon, ee isagoo nool ay gubeen xagjiriinta dowladda Islaamka, ayaa ka codsaday in dalkiisa uu qaado aargoosi dheeri ah.
Horaantii shalay , ayey Jordon daldashay labo maxbuus oo jihaad doon ahaa oo la xukumay iyagoo uga jawaabayay dilka Mucaad Al-kasasbeh.
Mid ka mid ah maxaabiista oo aheyd Sajiida Al-rishawi ayey sii deynteeda weydiisteen dowladda Islaamka taasi oo qeyb ka aheyd maxaabiis isweydaarsi la soo jeediyay.
Jordon ayaa wacad ku martay jawaab “dhulka gilgisha”, balse aabaha Mucaad Kasasbeh ayaa sheegay labo daldalaad inaysan ku filneyn.
Boqor Abdalla ayaa soo gaabiyay booqashadii uu ku joogay Mareykanka si uu dalka ugu soo laabto.
 

Leave a Reply