Diyaarad ku Burburtay Taiwan

0
404

Diyaarad ku burburtay Taiwan oo intii aysan wabiga ku dhicin dhinac kaga sii dhacday waddo weyn ayey ku dhinteen sadax iyo labaatan ruux.
Kooxaha badbaadada ayaa raadinaya labaatan kale oo weli aan la helin oo diyaaradda la socday.
Badbaadiyayaasha ayaa isku dayaya inay adeegsadaan wiish ay ku soo bixinayaan diyaaradda, TransAsia taasi, oo badi biyaha gashay.
Muuqaal yaab leh uu qaaday qof gaadhi watay oo buundada taagnaa ayaa soo bandhigay diyaradda oo sii dhaceysa ka hor intii uusan baalkeeda xoqin wadada.
Waxay duulimaad gudaha ah uga soo kacday garoonka diyaaradaha Taipei. Ku dhawaad sodon ka mid ah rakaab ayaa ahaa dalxiisayaal ka yimid Shiinaha.
 
 

Leave a Reply