Urdun oo Dishay Laba mintidiin ah oo u Xidhnaaa

0
414

Dowladda Urdun waxay sheegtay in ay dishay laba mintidiin ah oo u xidhnaa, saacado kaddib markii la shaaciyay fiidiyow muujinayay duuliye reer Urdun oo gacanta ugu jiray kooxda Daacish oo lagu gubayo isagoo nool shabaq ka samaysan bir oo baansiin lagu daadiyay, kadibna dab la qabad siiyey.
Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaala madaxda Urdun, waxayna dalbanayeen in loo aaro duuliyaha oo 26 sano jir ahaa.
Duuliyaha oo la odhon jiray Mucaad al-Kasasbeh ayaa gacanta u galay kooxda daacish dhamaadkii bishii hore ee Disembar kaddib markii diyaaradii dagaalka ee uu waday ay kooxdu soo riday.
Boqorka Urdun, Cabdalla, ayaa khudbad toos ah uu jeediyay isagoo jooga Washington ku tilmaamay geesi u dhintay wixii uu aaminsanaa iyo dalkiisa hooyo.
Waxa uu ku tilmaamay kooxda Daacish koox aan la mid ahayn dadka kale. Waxa uu si deg deg ah u soo afjaray socdaal uu ku marayay Mareykanka, waxuuna la kulmay Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama.
Obama ayaa cambaareeyey falka kooxda, waxuuna sheegay in tani ay sii xoojin doonto ka go’naanshaha xulufada dagaalka kula jirta kooxdan.
Wararka ayaa tilmaamaya in duuliyaha la dilay bishii tagtay balse haatan un la shaaciyey fiidiyowga.
Ilo dhinaca ammaanka ah ayaa tilmaamay in Urdun ay dili doonto haweenay 10 sano ku xukuneyd oo loo haystay weeraro fashilmay. Kooxda Daacish ayaa dalbatay in loo sii daayo haweenaydaas si ay ugu badelato duuliyaha u dhashay Urdun.

Leave a Reply