“Mucaaridku Siyaasaddii Waxay ka Dhigeen Hadal Uun, Ummaduna Way ka Markhaati Kacaysaa…”

0
372

Hargeysa (DAWAN)-Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin  (Dheeg)  oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa Mucaaridka ugu baaqay inay ka waantoobaan inay siyaasadda ka dhigaan mid la isku xag-xagto.
 
Xildhibaan Dheeg oo shalay u waramayay qaar ka mida warbaahinta ayaa waxa uu tilmaamay in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo tahay tii ugu waxqabadka badnayd ee dalka soo marta, waxaana uu u soo jeediyey xisbiyadda mucaaradka inay ka waantoobaan hadalada xanafta leh ee dalka waxyeelaya.
“Qoladan mucaaradka ahi markay garan waayeen wax alaalle waxay ku  dhaliilaan xukuumadda  oo eedo ah  oo ay leedahay ayay  ku meeraystaan waxaan loo joogin-ba. Waxaan qabaa in ummadda reer Somaliland ay ka markhaati kacayaan waxqabadka xukuumadda oo ah tii ugu wax-qabadka badnayd ee dalka soo marta. Waxaan leeyahay dadka beri doonaya inay madax noqdaan u tudha dalka oo wixii hadhow qodax kugu noqonaya ee kugu soo bixi doona iska ilaali,”ayuu yidhi Xildhibaan Dheeg.
 
Xildhibaan Dheeg waxa uu tilmaamay in qasdigii socdaalkii madaxweynuhu ahaa inuu xaaladda gobolada dalka soo taabto, waxaanu yidhi  “Waxay ila tahay marka wax la mucaaridayo la iskama hadlo uun, safarkii madaxweynaha ee gobolada dalku waxa uu ahaa mid danta qaranka la xidhiidha, mana aha mid lagu tilmaami karayay tamashlayn oo mucaaridku adeegsadeen. Waxa  uu doonayay gobol iyo degmaba waxa ay ku nool yihiin iyo waxay  u baahan yihiin  inuu soo arko, wixii uu u qaban karayana wuu u balan-qaaday , wixii u qabtayna xadhiga ayuu ka soo jaray.”
Xildhibaanku waxa kale oo uu  ku baaqay in Guddiga doorashooyinka lagu ixtiraamo shaqadooda, waxaana uu yidhi “Doorashada cid ayaynu u xilsaarnay, waxa aynu u dooranay gudida Komishanka doorashooyinka iyagaa saddexda xisbi u dhex ah oo  sheegi  kara in doorashadu qabsoomayso iyo in kale. Markay arkaan inaanay doorasho qabsoomi Karin inay isu tagaan ayay madaxweynaha u gudbiyaan, markaas ka dib ayuu annaga Guurtida noo soo gudubtaa.”
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply