Shirkadda Laydhka Hargeysa Oo Lagu Eedeeyay Inay Diiday In Lacagta Dalka Lagu Bixiyo Biilasha Korontadda

0
371

Hargeysa (DAWAN)- Shirkadda Laydhka Hargeysa Energy ee dhawaan la wareegtay warshadii laydhka ee caasimadda, ayaa goobaha lacag qabashada biilasha adeega korontada  ee xaafadaha magaaladda Hargeysa ay ku leeyihiin, waxay diideen inay dadweyaha kaga qabtaan biilasha lacagta Shilinka Somaliland. Waxaanay dadweynaha  ugu baaqeen hawl-wadeenadoodu inay biilasha ku bixiyaan Doollar.
Sidoo kale waxay shirkada cusub ee Hargeysa Energy biilasha laydhka ku qiimeeyeen doollar,  halkii berigii hore biilasha korontada  loogu soo daabici jiray shilinka Somaliland.
Qaar ka mid ah dadweynaha ku dhaqan caasimadda oo wargeyska DAWAN la hadlay ayaa sheegay inay ka xumaadeen in hawl-wadeenada lacag qabashada warshada laydhku ay diideen inay biilasha kaga qabtaan lacagta dalka. “Waxaanu la kulanay in xafiisyada warshada laydhka ee ay ka furteen xaafadaha, waxaanu kala kulanay arrin aanu la yaabnay, waxay diideen shilinkii Somaliland, waxaanay yidhaahdeen biilka doollar noogu keena, maadaama oo biilka aanu ku soo qornay doollar,”ayay tidhi Hooyo Cibaado Cismaan oo ka mid ah dadweynaha  ku dhaqan Hargeysa.
 
“Waxaanu  soo dhawaynaynaa inay laydhkii jabiyeen , balse waxaanu  u soo jeedinaynaa lacagta wadanka ha xaqirina, waxaad tihiin dad dalka u dhashay oo macaashka aad ganacsatada ku tihiin waxaad ka hesheen Somaliland.”ayay ku dooday Hooyo Cibaado.
Geesta kalena, waxa dhacdadan shalay Weriyeyaasha DAWAN wax ka weydiiyeen  Madaxa hawl-galinta shaqaalaha shirkada Laydhka Hargeysa Energy  Mr. Farxaan Jaamac Ismaaciil, waxaanu tilmaamay inay jabiyeen lacagtii adeega laydhka, waxaanu ku dooday in aanay diidaynin lacagta dalka.
“Shirkadan laydhka ee Hargeysa Energy waa shirkad wadaag ah oo dawladu leedahay boqolkiiba labaatan, shirkadaha kale ee shacabkuna ay leeyihiin inta kale. Shirkadan wadaaga ah, run ahaanna qiimihii hore ee dadka laga qaadi jiray wax baanu ka dhinay oo halkii laga qaadi jiray 6000 shilin, imika waxaanu ka dhignay 4000 shalin iyo waxoogaa. qofkii doolar keenana waanu  ka  qaadnaa, kii lacagteenna sitana waanu ka qaadaynaa , mana jirto cid aanu doollar waydiinay ee xisaabta laydhka ayuun bay noogu jirtaa, in aanu nidhaa intaasi oo doollar baa lagugu leeyahay.”ayuu yidhi Mr. Farxaan Jaamac.
 
Sarkaalkaasi waxa uu intaas ku kabay “Waxa kale oo  dhibaato ahi ma jirto, lacagta qarankana lama diidi karo, waayo waxaanu nahay shirkad waddaniya oo dawladiina kama maqna oo wax bay ku leedahay,markaa waxaan dadweynaha u sheegaynaa in waxa isbedalay uu yahay oo kaliya biilka oo doollar ku qoran,halkii hore looga qaadi jiray kaash.”
Dhinaca kale, waxa Wargeyska DAWAN xaqiijiyay in cabashada dadweynuhu ay  jirto oo  xafiisyada degmooyinka caasimadda ee warshadda laydhku ay diideen in  biilasha lagu bixiyo shilinka Somaliland,hase yeeshee xarunta dhexe  warshada laydhka dadka lagaga qabanayay doollar iyo kaash kolba kii u fudud.
By: Idiris M.Xasan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply