Al-Jaabiri Oo Medarasad Qur’aan Ka Dhisaya Berbera

0
371

Berbera (DAWAN): Masuuliyiinta gobolka Saaxil iyo kuwa degmada Berbera ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay dhisme loogu tallo galay  medarasad xifdiga Qur’aanka kariimka ah lagu baran doono oo laga dhisayo  xaafada Burco-sheekh ee magaaladda Berbera,
Dhismaha   madarasadaas oo uu ku deeqay kharashka lagu dhisayo ganacsadaha carbeed Al Jaabiri, ayaa waxa sidoo kale dhulka laga dhisayo madarasada bixisay dowlada hoose ee magaalada Berbera.
Munaasibadii dugsigaasi lagu dhagax dhigayay  shalay ayaa waxaa goob jog ka ahaa sidoo wakiilka shirkada Al Jaabiri ee Somaliland.
Maayarka magaalada Berbera, Cabdishakuur Maxamed Xasan (Cabdishakuur Cidin), “Waxa farxad noo ah in madarasad xifdiga qur’aanka kariimka aanu u dhagax dhigayno waliba halkii ku haboonayd oo ah meel ay degan yihiin dad danyar ah.  madarasad ayaa lagu baran doona qur’aanka kariima oo ah ahmiyada koowaad ee dadka muslimiinta ah, waxaan u mahadcelinayaa Sheekh Saleebaan Siciid Al Jaabiri, waxaanan Alle ugu rajeynayaa inuu ka aabaaliyo howshaas wanaagsan ee qabatay”.
Badhsaab ku xigeenka gobolka Saaxil Khadar Cali Cilmi, oo isna halkaasi ka hadlay waxa uu yidhi  “Dugsi xifdiga qur’aanka ee waliba dhulkeedana bixinayo masuulka u sareeya dowlada hoose ee magaalada Berbera,  oo kudayasho mudan iyo shirkada Al Jaabiri, Sheekh Saleebaan Siciid Al Jaabiri, waxaanu leenahay Ilaahay khayerkeeda ha’idin siiyo, waxaa rajeynayaa in masuuliyiinta dowlada hoose la lee yahay dhul badan bay lee dahay ay sadaqadeystaan si agar biyo xasanaad Rabbi ugu helaan”.
Wakiilka shirkada Al Jaabiri,  Aadan Axmed Diiriye  oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay in madarasadaasi  la dhagax dhigayo uu ku tabarucay Sheekh Saleebaan Siciid Al Jaabiri, isla markaana  kharashka dhismaha iyo macalimiinta wax ka dhigi doonataba sheekhu bixin doono  Waxaanu   yidhi isagoo arrimahaasi ka hadlayay, “Waxaanu halkan dhagax dhigaynaa malcaamad loogu talagay Taxfiid Al Qur’aan, oo uu inoogu deeqay Sheekh Saleebaan Siciid Al Jaabiri, oo doonayo inay ka faa’iideystaan caruurta xaafadahan halkan ka dhow gaar ahaan xaafada Burco-sheekh, oo la doonayo in caruurtaa danyarta ah ka faa’iidaysato, kutalagalkuna sida uu yahay macalimiinta madarasada wax ka dhigidoontana musharka la siindoono oo hadii Alle idmo Sheekhu bixindoono oo si tabaruca looguna dhisi doono loohuna wafdi doono howshaa islamarkaana wax lacah ah aan laga qaadi doonin ardeyda oo bilaash lagu dhigan doono”.
By: Yoonis M.Jaamac
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply