Baqdaad oo laga Qaadayo Bandawgii

0
375

Wararka ka imaanaya Ciraaq waxa ay sheegayaan in bandaw habeenkii ah oo ka jiray magaalada Baqdaad mudo sanado ah in laga qaadayo todobaadkan.
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha guddaha waxa uu sheegay in Rai’sal wasaare Haider Al Abadi uu amray in la soo afjaro bandawga sabtida.
Waxaa looga gol leeyahay in la soo celiyo in caasimadda lagu soo celiyo caadinimada Ciraaq.
Saacadihii bandawga ayaa isbadal lagu sameeyay, haddana waxa uu shaqeeya saqda dhaxe ilaa shanta subaxnimo.
Baqdaad waxaa wali si joogta ah uga dhaca gawaadhi la qarxiyo iyo weeraro kale oo ay gaystaan Malayshiyaadku.
Laakiin wariyaha BBC-du waxa uu leeyahay waxaa sii yaraanaya halista ay magaalada ku hayaan ururka Daacish.

Leave a Reply