Boko Haram oo Weerarkii ugu Horeeyay ku Qaaday Nayjar

0
394

Kooxda Nayjeeriya ee islaamiyiinta Boko Haram ayaa markii ugu horeysay weerar ku qaaday magaalo ku taal  dalka Nayjar.
Sida ay sheegayaan goobjoogayaal weerar ayaa lagu qaaday magaalada  Bosso  oo ku taal xadka.
 
Dhinaca kale kooxda ayaa weerartay Khamiistii  Magaalada la yidhaahdaa Fotokol waxayna ku taalaa xadka Cameroon ay la wadaagto Nigeria.
Saraakiisha maxaliga waxay sheegeen in kooxdu ay dad rayid ah ku weerartay guryahooda iyo masaajidka waxayna intaasi ku dareen in kooxdu ay dab qabadsiisay dhismooyin badan.
Weerarka waxa uu dhacay maalin kaddib markii ciidamada gobolka ay sheegeen in kooxda Boko Haram ay ka saareen magaalo ku dhow maagalada Fotokol.
Weerarada Boko Haram ayaa waxa ku naf waayey kumanaan kun oo qof lixdii sano ee la soo dhaafay.
In ka badan laba milyan oo qof oo kale ayaa sidoo kale ku barakacay weerarada kooxdan oo gacanta ku haysa dhul ballaadhan oo ku yaala waqooyi bari dalka Nigeria.
Dadka degaanka oo ay la hadashay wakaalada wararka ee AFP ayaa waxa ay sheegeen kooxda ay dad badan qoorta ka jartay.
Ciidamada Cameroon oo gacan ka helaya kuwa dalka Chad ayaa gu dambeyntii magaalada ka saaray kooxda
Talaadadii, ciidamada Chad ayaa waxa ay sheegeen in ay dileen 200 oo ka mid dagaalyahanada Boko Haram
Ciidamada Chad iyo kuwa dalka Cameroon ayaa ku biiray dagalka ka dhanka ah Boko Haram, kaddib markii ciidamada Nigeria si xoogan loogu eedeeyey in ay wax ka qaban waayeen kooxda.
 

Leave a Reply