Cillada Diyaaraddii Taiwan oo la Ogaaday

0
359

Baadhayaasha iskudayaya in ay ogaadaan sida ay diyaaradda TransAsia Airline ugu dhacday Taiwan ayaa sheegay in ay ciladoobeen labadii matoor ee diyaaradda oo ay dameen.
Waaxda badbaadada hawada ee Taiwan, ayaa sheegtay in mid kamid ah matooradu uu istaagay waxyar kaddib markii ay diyaaraddu kacday, duuliyuhuna uu damiyay kii labaad balse uu awoodi waayay in uu dib u daaro.
Ma cada sababta matoorkii kali ahaa ee shaqaynayay loo damiyay.
Mid kamid ah duuliyeyaasha ayaa maydkiisana la helay isaga oo wali ku dhagan geerka ama waxa u dhigma ee diyaaradda laga wado.
Duuliyaha waxaa si aad ah loogu amaanay sidii uu isugu dhabarjabiyay in uu badbaadiyo rakaabka diyaaradda siidhacaysay iyo dadkii dhulka joogayba, waxa uuna ka duway dhismayaal la daganyahay, kahor inta aysan buundo baalka ku dhufanin ee aysan wabi ku sii dhicin.
58 qof oo ay ku jiraan labada duuliye ayaa saarnaa diyaaraddaasi, waxaana ka badbaaday 15 qof.

Leave a Reply