“Ma Jiro Wax Hub Ah Oo Aanu Ku Qabanay Berbera” Booliska Saaxil

0
430

Berebra,(DAWAN): Taliye ku xigeenka qaybta booliska ee gobalka Saaxil, Jaamac Ismaaciil Xuseen, ayaa beeniyay warar ay qoreen mareegaha  internet-ka   qaarkood  oo sheegayay in Booliska Saaxil qabteen hub tiro badan oo sharci darro ah.
Taliye ku xigeenka qeybta Boolisku waxa uu warkaasi ku tilmaamay mid waxba kama jiraan ah. “Warka  mareegaha Internet-ka lagu baahiyay ee sheegaya in ciidamadda  booliska Berbera hub ay qabteen, waa warar been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn,  cida baahisay wararkaasi amaanka lagu waxyeelaynayo waan  ku daba jirnaa taallaabo  sharciga waafaqsanna  waanu ka qaadi doona,”ayuu yidhi Taliye ku xigeenka qaybta booliska ee  Saaxil oo xalay wargeyska DAWAN khadka Telefoonka kula xiidhiidhay.
 
Waxaanu intaasi ku daray  “Guud ahaan amniga gobolka aad ayuu u fiican yahay wax dhiba ahina kama  jiraan. Waxaan ugu baaqayaa warbaahinta inay iska hubiyaan wararka waxba kama jiraanka ah ee ay baahinayaan.:
By: Yoonis M.Jaamac
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply