Wasaaradda Boosaha Oo ka Dayrisay Nidaam Xumida Xadhkaha isgaadhsiinta Xambaara Ee Dalka

0
418

Hargaysa (Dawan): Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta  Faysal Cali Sheekh ayaa walaac ka muujiyay xadhkaha shirkadaha  Laydhka iyo kuwa isgaadhsiinta oo si bilaa nidaam ah  magaalooyinka   loogu  sameeyay.
Fasal Cali Sheekh oo shalay la hadlay qaar ka mid ah  warbaahinta  waxa uu sheegay in loo baahan yahay in shirkadaha Korontadda  iyo isgaadhsiintu  ay iska xil-saaraan sidii ay u hagaajin lahaayeen  xadhkahooda oo khatar ku haya dadka.
“Marxalado badan ayay soo martay isgaadhsiinta dalku, haddii la eego dhinaca horumarintooda waxyaabo badan ayuu soo maray illaa 1991-kii  tadawur faro badan ayay soo qaateen qaarkood xadhkaha dhulka ayaa la mariyay, qaar kalena waa kuwaa suuqa  maraya, waana muhiim in bilicda la hagaajiyo,”ayuu yidhi Agaasimuhu.
Waxaanu intaasi ku daray “Shirkadaha iyo dawladaha hoose iyo qaybaha ay khusayso waa inay  ka wada tashadaan, runtii oo ay ka wada qayb qaataan iyadoo dhibaato loo gaysanan shirkadaha culays badana aan la saarin, hadana in la hagaajiyo bilicda magaalada aad iyo aad ayay muhiim u tahay in xadhkaha faraha badan la habeeyo ee magaaladii oo dhan xanibay.Waxa kale oo iyaguna nala mid ah  kuwa laydhka  oo khatar keeni kara wakhtiyadda roobabka oo kale oo u baahan in la habeeyo.”
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply