.Daraasad Ku Wajahan Heerka Gudniinka Hablaha Oo Lagu Soo Bandhigay Hargeysa

0
460

Hargeysa (DAWAN)-Dallada haweenka ee Nafis Net-work ayaa magaaladda Hargeysa khamiistii todobbaadkii hore ku soo bandhigtay daraasad ay samaysay oo la xidhiidhay heerka uu gudniinka fircooniga ahi ka marayo gobolada Somaliland.
 
Sidaasna waxay masuuliyiinta Dalladdu ku soo bandhigeen daraasad mug leh oo ay tafaasiil kaga bixiyeen heerka uu dalkeenna ka marayo gudniinka iyo arragtiyadaha bulshadu ka kala qabaan, waxaanay warbixinta dalladu u qornayd sidan:-
 
“Sida ay qeexday Hayadda Caafimaadka Adduunka ee WHO, gudniinka haweenku waa dhaawac kasta oo loo geysto xubnaha tarankooda. Dalalka ugu badan ee haweenkooda gudniin lagu sameeyaa waa kuwa ku yaalla Qaarada Africa. Meelo  kale ayaa iyana lagaga dhaqmaa gudniinka hablaha sida Aasiya iyo Barriga Dhexe. Waxa iyana waayadan dambe lagu sheegay meelaha loo haajiro ee Yurub, Maraykanka Waqooyi iyo Australia.
Dawladda Somaliland waxa ay soo saartay siyaasad lagu tirtirayo gudniinka hablaha 2011 kii.Sidoo kale Isku Xidhka NAFIS iyo xubnaheeda iyo ururro kaleba waxay isku hawleen muddo badan sidii looga badbaadin lahaa dhaqankan waxyeeladda badan. Hase yeeshee waxaa yaraa cilmi baadhisyadda ku saabsan heerka uu ka joogo gudniinka hablahu wadanka.
Hadaba, waxay NAFIS fulisay cilmi baadhista iyadoo ay tageerro ka heshay  Haayadaha UNDP iyo  KNH iyo  weliba wasaaradaha ay tooska u khusayso arrintani oo ay  ka mid yihiin Wasaarada Shaqada iyo arrimaha Bulshada Somaliland. Waxaa xog ururintan laga sameeyay Lixda Gobol ee waaweyn oo miyi iyo magaalaba isugu jira muddo 4 bilood ah, Waxaana la waraystay 1,986 haween da’ddoodu u dhaxayso (15-49). Iyo 25 wareysi kooxeed oo isugu jira Dumar, rag waaweyn, rag dhallinyarro ah, hablo dhallinyarro ah, iyo dumarka ku shaqaysta xirfadan Gudniinka Hablaha.  Sidkoo kale 13 weraysi haldooreed oo lagu beegsanaayay wasaarada, xirfadlayaasha caafimaad, sharciyaqaanada iyo culimadda.
Heerka u marayo Gudniinka Habluhu: Waxa cilmi baadhista lagu ogaaday in 99.8% hablaha magaalooyinka jooga lagu sameeyo gudniin, halka kuwa miyiga lagu samayo 100%.
Nooca gudniinka ee loo yaqaano Fircawniga waxaa lagu sameeyaa 80% magaalooyinka, halka miyigana 82% lagu sameeyo. Go’aanka lagu gudo hablaha waxa inta badan iska leh hooyooyinka.
Aragtiyaha Bulshadu ka qabto gudniinka hablaha: Dadka la waraystay 90.5% Waxa ay aaminsan yihiin in aanay macquul ahayn in gudniinka hablaha laga guuro gebi ahaanba, waxaanay dadkaasi u  arkaan wax aan suurtoobi Karin gabadh aan la gudini. Culumaa’adiinkii la waraystay qaarkood ayaa sheegay in aan hablahooda gudniin lagu samayn. Boqolkiiba sagaashan (90%) hooyooyinka la weraystay waxay sheegeen in ay doorbidayaan nooca Gudniinka sunnaha loo yaqaano inay ku samaynayaan  hablohooda.
Sida cilmibaadhistu cadaysay, dhalinyarradu waxay doonayaan in la soo af jaro gudniinka hablaha. Waxa kale oo dadkii la waraystay ay aaminsan yihiin in ay waqti dheer qaadanayso joojinta gudniinka habluhu.
Waxa cilmibaadhistu cadaysay in wacyi gelin badan ay sameeyeen ururada ku hawlan arrimaha gudniinka habluhu. Waxaanay sheegeen dadkii la waraystay in ay ogsoonyihiin dhibta uu haweenka dhaxalsiiyo gudniinku.
Waxay qirtay cilmi baadhistani in ururada aan dawliga ahayn, iyagoo gacan ka helayaa dawladda iyo ururada caalamiga ah ay waxyaaba badan ka qabteen arrinkan. Hasa yeeshee iyadoo dadku ku adag yihiin caadadan, ay qaadan doonto waqti dheer oo loo baahan yahay in aan laga daalin arrintan wax ka qabashadeeda.
Sida awgeed, waxa cilmimaadhistani ku talinaysaa in siyaasadii gudniinka gabdhaha la hir geliyo, tageero buuxdana laga helo dawladda, culimaaudiinka iyo hogaamiyayaasha bulshada. Sidoo kale waxa lagama maarmaan ah in manhajyadda jaamacadaha iyo dugsiyada sareba lagu ladho barnaamijyo waxbarasho oo ku saabsan arrinkan gudniinka.
Ugu danbeayntii waa in daneeyayaasha arrinka gudniinka hablaha ku hawlani ay gacmaha isqabsadaan oo meel uga soo wada jeestaan sidii   hablaha looga badbaadin  lahaa caadadan xadgudubka ku ah xaqooda, caafimaadkooda iyo qofnimadoodaba. Wa Billaahi Towfiiq.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply