Dawladaha Caalamka Iyo Ahmiyadda Xafiiska Hab-maamuuska

0
300

Taariikh ahaan hab maamuusku waxa uu ahaa mid soo maray maraaxil kala duwan, tan iyo intii dawladuhu samaysmeen, hase ahaatee waxa uu horumar laxaadle sameeyay  wixii ka danbeeyay lixdameeyadii, waxaana horumarkaa u sabab ahaa iyadoo laga sameeyay houmar dhinaca isgaadhsiinta. Waxa had iyo goor dhibaatooyin la xidhiidha dhinca hab maamuuska iyo diblomaasiyaddu ka dhalan jiray dalka lagu qabanyo shirka ay ku kulmayaan dawladaha xidhiidhka isbahaysi ka dhexeeyo ama kuwa danahooda ka wada tashanaya, taas oo ahayd mid dunida ka jirtay tan iyo qarnigii 15aad.
Tusaale ahaan qarnigii 15aad waxa kulan u dhexeeyay boqorkii  Iglan ee Edward 1V iyo boqorkii Faransiiska ee la odhan jiray Louis X1,ayaa ku kulmay biriij dushii waxaana sababay in kulanku halkaa ka dhaco, ka dib markii ay ku heshiin waayeen meel dhexdhexaad u ah labada dhinac oo ay ku kulmaan. halkaa waxa ka cad in horeba ay dhibaatooyinka uga jireen goobta marti- gelinta ee shirku noqonayo, maadaama uu dalka marti- geliyaha ahi helayo fursado faro badan oo uu  ku ciyaari karo hadba doorka uu doonayo inuu qaato shirkaa. Xaaladahan adagi markii ay soo baxeen ayaa waxa la gaadhay  in dawladaha intii isku qaarad ahiba samaystaan heshiisyo la xidhiidha farsamada iyo goobta ay ku qabsanayaan shirarkooda, waxaana kuwaas ka mida dalalka ku bahoobay Midowga Yurub oo iyagu ku heshiiyey in shirarkooda ay ku qabsadaan hadba dal  oo  meerto ah.
Sidoo kale ururka ku bahoobay Aasiya ee loo yaqaan  (ASEAN) ayaa iyana ku heshiiyay in ay fadhiyadooda sanadlaha ah ay hadba dal ku qabsadaan, kaas oo noqonaya mid meerto u ah xubnaha Ururkaasi, iyadoo ay madaxda isu meeqaanka ahina u fadhiisanayaan goobta shirka, si ku salaysan xarfaha luuqada Ingiriisiga ah ee ka bilaabma ABC….., iyadoo uu markaa nin kasta oo madax ahi fadhiisanayo kursiga uu ka bilaabmo xarafka magaciisa ugu horeeyaa. Dalalka caalamka waxa ka jira astaamo kale oo la xidhiidha hab maamuuska iyo diblomaasiyadda oo lagu kala garto sida ay  madaxda dalalku isku jecel yihiin ama isku neceb yihiin, marka laga eego xidhiidhkooda xaga diblomaasiyadda. Astaantaas qaabka salaanta ee caalamku ka siman yihiin, waxa ay tahay in madaxda dalalku marka ay ku kulmaan shirarka ay si wanagsan isku gacan qaadaan, hase yeeshee hadday taasi  dhici weydo oo ay is gacan qaadi waayaan labada dhinac ay ka dhigan tahay colaad dhex taala labada hogaamiye ee isku dhaafa salaan la’aan.
Amiirka dhexal sugaha  Boqortooyada Ingiriiska ee Charles ayaa isagoo 1978 ka qayb galay aaskii madaxweynihii dalka Kenya ee Jomo Kenyata oo ay isku yimaadeen hogaamiyeyaal badan oo ka kala socday daafaha dunida ayaa  uu Amiir Charles isdiid siiyay inuu salaamo madaxweynihii dalka Yugaandha Iid Aamiin oo u soo fidiyay gacantiisa si uu u salaamo, waxaana taariikhda lagu xusay in madaxweynihii dalka Faransiiska ee la odhan jiray de Gueille uu ahaa nin macallin ku ahaa sida layskaga indho- tiro madaxda aanu doonayn inuu  salaamo.
Waxa kale oo la sheegay in digtartarkii la odhan jiray Nicolae Caceascu  ee ka talin jiray dalka Romaaniya uu isna ahaa nin aad uga taxadiri jiray in uu badsado salaanta madaxda kale ee ay ku kulmaan goobaha shirarka, waxaana u sabab ahaa sida la sheegay isagoo aad uga biqi jiray  in la sumeeyo. Haddaan qeybtan kusoo gebagebayno qormooyinkii ku saabsanaa hab maamuuska, haddana waxa mar walba awoodda iska leh oo siduu doona wax u dhiga hadba dalkii awood dhaqaale iyo cudud millateri leh oo ay warbaahintuna diiradda saartaa hadba halka uu ka fadhiyo shirka iyo hadalladiisaba, dadka dacallada ku kala noolina ka arkaan oo ka maqlaan shaashadaha.
DHAMMAAD……
Qeybtii  6-aad   Cabdilaahi Aadan Cumar  (Wayab)

Leave a Reply