“Xisbiyadda Mucaaridka Ahi Marna Kama Hadlaan Xuquuqda Shaqaalaha”

0
423

Hargeysa (DAWAN) Gudoomiyaha Xidhiidhka Ururada Shaqaalaha Rayidka ee Somaliland  Maxamed Axmed Cabdi.  ayaa  ku dhaliilay xisbiyadda mucaaridka ah inaanay marna xusin xuquuqda shaqaalaha rayidka ah ee dalka.
 
Maxamed Axmed ayaa sheegay in ururkooda la aasaasay 2002-dii  iyadoo ay aasaaseen Xubno kala duwan oo ka kooban shaqaale dawladeed iyo kuwo shicib ah kuwaasi oo uu ka mid ahaa Hantidhowraha Qaranka Maxamuud Aw Cabdi, islamarkaana ururkan loogu tallo-galay inay mideeyaan dhammaan ururada Shaqaalaha Somaliland.
Gudoomiyaha Xidhiidhka Ururada Shaqaalaha Rayidka ah ee Somaliland ayaa Xisbiyada Siyaasada ee Somaliland ku dhaliilay sida ay uga gaabiyeen in ay ka hadlaan Xuquuqda Shaqaalaha rayidka ah ee dalka, isagoo tilmaamay in aan aanay marnaba Xisbiyada Mucaaridka ahi aanay xusin kana hadal xuquuqda shaqaale weynaha rayidka ee Somalilnad iyagoo iska ilaalinaya shirkadaha gaarka loo leeyahay.
 
Guddoomiyaha ayaa sheegay in xafiiskoodu uu dawladda ka diiwaan gashan yahay isla markaana ay wadaan dad iskood isu xil-qaamay.
Gudoomiye Maxamed  ayaa sheegay si looga baxo shaqo  la’aanta dhalinyarrada Somaliland in loo baahan yahay Xukuumad iyo shiciba in la dhiiri-galiyo waxbarashada farsamada gacanta sida farsamooyinka Makaaniga, Nijaarida, Dawaarka, Cunto karinta, islamarkaana la kordhiyo dugsiyada Culuumta Caafimaadka, Beeraha, kalluunka iyo Xoolaha.
 
Gudoomiyaha Xidhiidhka ururrada Shaqaalaha Somaliland waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in dib loo kiciyo Warshadaha waaweyn ee uu dalku lahaan jiray sida Warshada Sibidhka ee Berbera, kuwaas oo uu xusay in shaqo fara badan ka soo bixi doonaan haddii lagu guulaysto in dib loo furo ayna yarayn doonto shaqo la’aantu.
Gudoomiyaha Xidhiidhka shaqaalaha  ayaa Xukuumada Somaliland ka codsaday in dib loo eego mushaharka dadka Waardiyayaasha ah  ee ilaaliya Xarumaha dawladda oo uu sheegay in mushaharkoodu aad u yar yahay. Gudoomiyaha ayaa  Xukuumada ka codsaday in kaalmada raashinka ee dalka yimaada laga qaybgaliyo shaqaalaha hoose ee dawladda.
 
Maxamed Axmed, waxa uu  u soo jeediyay xukuumadda in dalka laga joojiyo dadka ajaanibka ah ee ku shaqaysta xirfadaha ay muwaadiniinta Somaliland ku xoogsadaan ama qaban karaan-ba.
 
Gudoomiyaha ayaa sheegay in shaqaalaha dawladdu ay ka xuquuq wanagaasan yihiin kana niyad fiican yihiin shaqaalaha u sheqeeya shirkadaha gaarka loo leeyahay. Shirkadaha gaarka loo leeyahay ma tixgeliyaan xuquuqda shaqaalahooda.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply