Daraasad Laysu Bar Bar Dhigay Khilaafaadka Qoyska Iyo Deganaanta Qoyska Oo Lasoo Saaray 20 Sanno Oo La Wadey Ka Dib

0
427

Daraasad cusub oo ay samayeen khubaro u dhashay dalkaasi Maraykanka ayaa lagu cadeeyey in  guurka oo dhaca waqtiga lagu jiro 20 sanno da’ahaan uu keeno  caafimaad badan iyo dhawrsanaan,sidoo kalena uu keeno is fahan badan oo dhex mara labada qof ee dookhu isku daray.
Sidoo kale waxa lagu sheegay daraasadan in ay noqday dadkaasi kuwo dega ,taas oo ka badbaadisa dad badan isku buuq badan oo ku furmi lahaa,iyaga oo markasta xalin kara waqtigaasi khilaafaadyada kala duwanaaneed ee soo kala dhex gala.
Daraasadan ayaa lagu daabacay wargeyska ka hadla arrimaha guurka ee lagu magcaabo Marriage and Family,waxaanay noqotay daraasadani tii ugu mudada dheerayd intii la waday,iyaga oo sheegay kooxda samaysay inay kusoo hawlanaayeen daraasadan soona wadeen muddo gaadhaysa 20 sanno ,iyaga oo soo maray warbixinona kasoo urursaday dad gaadhaaya 1681 qof.
Kooxdan cilmibaadheyaasha ah ayaa awooda saaray laba dhinac ,kuwaas oo kala ah ,waxyaalaha keena inuu qofku dego iyo inay labada qof isku qancaan iyo ta labaad oo ah waxyaalaha kala duwanaanshaha ah iyo dhibaatooyinka soo dhex gala dadkaasi lamaanaha ah.
Iyada oo marna ninka la eegaayo marna gabadha ,waxaanay wax ka weydiiyeen arrimaha caafimaad ee labadan qaybood ay keeni karaan ,iyaga oo ku cabiraaya halbeegyo ay u sameeyeen oo ahaa 1 iyo 4.
Daraasadan ayaa muujisay in muran badan oo soo kala dhex gala qoysku uu keeno dhibaatooyin badan oo dhinaca caafimaadka ah,iyaga oo sheegay inuu muranku yahay qoddob khatar ku ah caafimaadka,iyada oo sidoo kale daraasado horena lagu sheegay sidan oo kale.
Waxa kale oo ay cilmibaadhistani soo bandhigtay cadaymo muujinaaya xidhiidhka ka dhexeeya guurka degan iyo sidoo kale caafimaadka wanaagsan,iyaga oo muujiyey in qoyska degani yahay mid ka caafimaad badan ka muranku ka dhex jiro,sidoo kalena ay yaraadaan xanuunada ku dhaca dadkaasi,waxa kale oo ay sheegtay daraasadan in qoyska is fahmay ay is caawiyaan ,taas oo yaraysa samaynaha aan wanaagsanayn ee keeni kara dhibaatooyinka.
Waxaanay ku taliyeen cilmibaadheyaashaasi  inay markasta ku dedaalaan dadka is guursanayaa ee guriga dhisayaa inay is dabeecad fahmaan ka hor is xulashadooda,sidoo kalena ay isku dayaan inay yareeyaan muranka iyo dhibaatada dhexdooda ah ,iyaga oo isfahanka badaniyaa iyo wada tashiga.
 

Leave a Reply