Maxay Ahayd Sheekadii Ugu Xiisaha Badnayd Beerta Jacaylka Ee Tokyo Sannadkan?

0
1040

Daraasiin lamaaneyaal reer Japan ah ayaa salaasadii buux dhaafiyey beer ku taala magaalada caasimada ah ee Tokyo,taas oo ah mid aad u qurux badan,iyaga oo doonaayey inay muujiyaan dareenka jacayl ee ay isu hayaan.
Beertan ayaa noqotay mid isu bedeshay wada ubax ,iyada oo ay lamaaneyaashu halkaasi keenayeen waxyaalo kala duwan ,kuwaas oo uu midba midka kale ku raali gelinaayey,waxaana halkaasi ka bilaabantay xaflad weyn oo ay kasoo qayb galeen dad kala duwan.
Kulankan ayaa ah mid sannad le ah ,kaas oo la qabto sannadkiiba mar,waxaana beertaasi Tokyo isugu yimaada dadka lamaanaha ah ee magaaladaasi ku nool kuwo badan oo kamid ah.
Waxyaalaha aadka u xiisaha badnaa ee dadka soo jiitay ayaa ahaa iyada oo qof waliba uu hadalkiisa u odhanaayo si xor ah isaga oo codka kor u qaadaaya,waxaanay noqotay sheekadii ugu qosolka badnayd kadib markii nin dadkaasi kamid ahaa ka raali geliyey xaaskiisa jidhkiisa oo culays ku siyaadey,taasina ay keentay inuu kaga yimaado naftiisa caafimaad xumo,taasina ay keentay raali gelin uu bixiyo,madaama oo ay hore ugaga digtay hilibka fulaaya jidhkiisa xaaskiisu.
Fikirka ah in beertan laysugu yimaado ayaa waxa keenay nin haysta dukaan kuwa ubaxyada lagu iibiyo ah,kaas oo  lagu magcaabo Kiyotaka Yamana,isaga oo raga ka iibsada usoo jeediyey inay ubaxan xaasaskooda kaga dhigaan kuwo kedis ah kuna guddoonsiiyaan beertan.
Yamana ayaa sheegay inuu isagu markii hore ka fikiraayey sidii uu dhaqaale badan uga heli lahaa ubaxyadan,isaga oo arkay dad badan oo lamaaneyaal ah kuwaas oo xiisaynaaya iibsiga ubaxyadan,taasina ay keentay fikirkan.

Leave a Reply