Microsoft Oo Markii Ugu Horeysay Toddobaadyada Inagu Soo Foolka Leh Soo Saaraysa Saacad Aan Hore Loo Isticmaalin

0
399

Sida lagu sheegay warbixin lagu qoray wargeyska lagu magcaabo Forbes Magazine, waxa la sugayaa saacad cusub oo ay shirkadda Microsoft dhowaan soo saari doonto,iyada oo noqonaysa saacadii ugu horeysay ee ay soo saarto shirkaddaasi.
Magazine-kan ayaa soo xigtay nin masuul ah oo aan magiciisa la sheegin,kaas oo sheegay in bettery-ga saacadani shaqayn doono muddo laba cisho ah ,kaas oo ah mid la jaajar garayn doono,sidoo kalena loo isticmaali doono sida Taleefanka oo kale laguna hadli doono.
Waxaanu tilmamaay inay waqtigan meelaha kaydka ee shirkadda yaalaan saacadahaasi,lana rajaynaayo in toddobaadada soo socda oo ku beegan waqtiga fasaxa lasoo gelin doono suuqyadda.
Shirkadda Apple ayaa hore suuqyadda usoo gelisay saacado cusub oo sida taleefanka loo isticmaalo,iyada oo shirkadda Microsoft-na noqonayso tii labaad ee soo saarta saacadahan .
Waxaanay saacadani kuwa kale kaga duwanaan doontaa waxyaalo badan sida uu masuulkaasi carabaabay,inkasta oo aanu waxyaalahaasi sheegin ,haddana waxa kamid noqon kara ayay yidhaahdeen battery-ga la dabaynaayo oo ah mid cusub.

Leave a Reply