Faa’iidada Iyo Waxtarka Timirta

0
1172

Timirtu waxay ka mid tahay  geedaha uu amaanay Rasuulkeena (scw)  waxayna ka mid yihiin kuwa ugu nafaqada  badan uguna wanaagsan dhinaca caafimaadka.
Rasuulka Allah (scw) ayaa ku yidhi Xadiis :
(قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ( بيت لاتمر فيه جياع أهله    (Guriga aan Timiri Oolin waa guri ehelkiisu gaajaysan yahay),Timirtu  waa midho qofku  uu ku noolaan karo kaligood, iyadoo uu qofku ka heli karo nafaqo buuxda, oo isu dheelitiran.  Wayna ku filan tahay qofka haddii aanu helin cunto kale.Faa’iidoyinka Timirta waxa ka mid ah iyadoo u fiican caloosha, wadnaha, dhiig la’aanta, Kansarka ku dhaca mindhicirada  Dumarka uurka leh ayaa iyana lagula taliyaa inay cunaan Timirta. Macdanaha Timirta ku jira waxa ka  mid ah: Kaalshiyam, Iron, Soduim, Phosphrus. Bootasiyam. Waxa kale oo ay caawisaa koriinka muruqyada. Caruurta yaryarna aad ayay ugu fiican tahay.  Rasuulka (scw) wuxu sheegay in qofka cuna nooca Timirta Cajwaan 7 xabo aanay maalintaasi sun iyo sixir midna aanu dhibayn.

Leave a Reply