Kora’eeshiya: Maxkamad Joojisay Inay Eydu Cido Habeenkii

0
398

Maxkamad ku taalla dalka Korashiya ayaa soo saartay  sharci iyo qaraar dhaliyay muran iyo dood kulul. Xaakinka maxkmadda ayaa qaraarka ku cadeeyay in aan la ogolayn in Eyda yar yari ay cido habeenkii taasi oo lagu sababeeyay inay dhib ku keenayso dadka da’da ah.  Qaraarka ayaa lagu cadeeyay in Eyga habeenkii cidiisa la maqlo la ganaaxi doono qofka leh , kaasi oo loo arki doono inuu sharcigan ka hor yimi.  Maxkamadda ayaa qaraarkan gaadhay ka dib markii ay Islaan da’ ahi  ashkato cabasho ah soo gaadhsiisay taasi oo sheegtay in Eyga jaarkeedu  uu habeenkii oo dhan qaylinayo oo uu dhib weyn ku hayo. Ninka leh Eygan ayaa isna ku dooday in Eygiisa oo lagu magacaabo Miido uu u ciyo si caadi ah oo dabiici ah , isla markaana aanay jirin sabab uu kaga duwan yahay Eyda kale oo loo dhibsado. Laakiin xaakimka ayaa qaraarkan taageeraya islaanta da’da ee cabashada soo gaadhsiisay aanay waxba ka bedelin.  Xaakinka ayaa mar danbe Eyga ku xukumay in la geeyo beerta xayawaanka habeenkii 8 Fiidnimo, isla markaana laga keeno 8 subaxanimo. Waxaana uu u sheegay Ninka Eyga leh oo lagu magacaabo Samnovic in haddii aanu sidaasi yeelin oo Eyaguna cida iska wato habeenkii lagu ganaaxi doono lacag ka badan $ 3000.

Leave a Reply