Hindiya: Hal Doller Ayuu Ku Gubay Guriga Jaarkiisa

0
372

Warbaahinta dalka Hindiya ayaa daabacday in nin lagu magacaabo Harver Aaroir una dhashay dalkaasi uu gubay guri ay jaar ahaayeen ka dib markii uu dhex maray muran iyo khilaaf lacageed oo dhamaa 60 Rubi oo lacagta Hindida ah una dhiganta $ 1 (Hal doller keliya). Ninkan ayaa markii uu falkan geesanayay kaashaday asxaabtiisa qaar ka mid ah.  Booliiska ayaa sheegay in ninkan oo da’diisu tahay 33 sano kula nool yahay magaalada Askuuk nin ganacsade ah.    Harver Aaroir ayaa jaarkiisa amaahiyay hal doller laakiin markii danbe ninka jaarka ah ayaa beeniyay inuu wax lacag ah ku lahaa. Arintan ayaa sababtay inuu ku dhaqaaqo inuu gubo guriga isagoo ku rusheeyay Petrol. Kuna qabtay kabriid.  Guriga ayaa gubtay sida ay ciidanka booliisku cadeeyeen 90%.
 

Leave a Reply