Madaxweynaha Oo Shahaadada Aqoonsiga Dhakhtarnimada Guddoon Siiyay 642 Xubnood

0
402

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa shahaadada aqoonsiga dhakhtarnimada guddoonsiiyay 642 xubnood oo iskugu jiray dhakhaatiir iyo kalkaaliyayaal Caafimaad oo buuxiyay shuruudihii looga baahnaa ku shaqaynta mihnada Caafimaadka.

Munaasibad shalay lagu qabtay Hoteel Maansoor ee Magaaladda Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb-galay, Madaxweyne Siilaanyo, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, qaybaha kala duwan ee ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka iyo marti sharaf kale.

Ugu horayn Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay in Xukuumad ahaan ay gacan ka geysanayaan qorshaha lagu hubinayo khibradda iyo aqoonta ay leeyihiin dhakhaatiirta ku shaqeeya arrimaha Caafimaadka, waxaanu yidhi “Caafimaadku waa wax muhiim u ah Ummada, ilaalintiisa iyo waxqabadkiisuna waa waxa ugu weyan ee Umamda iyo Dalka loo qaban karo, haddii aanu nahay Dawlada wax alaale iyo waxaanu ka qaban karno waanu ka qabanaynaa badqabka bulshada, diwaangelintooda iyo wax ka qabadkoodana anagu waxaanu diyaar u nahay wixii waajib ah ee naga saaran in aanu ka gudano. Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa hay’addaha hawashaa ku shaqada leh, waxaanan balanqaadayaa wixii waajib ah ee nagu soo gudboonaada ee xagayaga looga baahdo in aanu mar walba diyaar u nahay in aanu ka qabano oo ilaalino oo xilka naga saaran aanu ka soo baxno, markaa waxaan u hambalyaynayaa hay’addaha ku shaqada leh iyo Komishanka Mihnadlayaasha Caafimaadka, gacana waanu ka siinaynaa wixii nagala soo gudboonaada.”

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) ayaa sheegay in Wasaarad ahaan aanay aqbali doonin dhakhaatiirta iyo xarumaha Caafimaad ee aan buuxin shuruudaha looga baahan yahay ku shaqaynta Caafimaadka, waxaanu yidhi  “Dhakhtar aan xirfad lahayn Wasaaraddu aqoosan mayso, Liisana siin mayso markaa wakhtibaa jira Komishanku qabtay oo ah in dhakhtar walba iyo xarun kasta oo Caafimaad ay is diwaangeliso , wakhtigaas xaruntii Caafimaad iyo dhakhtar aan Liisan haysan in aanu meeshooda ugu tagno oo anaga oo kaashanayna Ciidamada amaanka la soo xidho, Maxkamadana la geeyo.”

Sidoo kale Guddoomiyaha Guddida Mihnadlayaasha Caafimaadka Dr Axmed Xaashi Oday oo halkaasi ka hadlay, waxa uu yidhi “Waad aragteen waxa hadda inoo yimid dad fara badan oo dalkoodii Nabadgelyo darro ka soo kaxaysay ama dhib kaleba ka keentay, dhakhtar wanaagsan waxa uu joogaa Gurigiisa, markaa dhakhtarka wanaagsan ee Khabiirka ahi dalkiisa ayuu joogaa. Innaga dhakhaatiirteena caanka ah ee aynu naqaano mid dibaddaha u shaqo tagay kuma jiro, markaa waxaanu mar walba Warbaahinta ka sii daynaa in dadka Ajnabiga ah ee la keenayo, qaar aynu u baahanahay iyo qaar aynaan u baahnaynba wey jiraan, markaa intan aanu maanta haynaa waa intii Somalilanderka ahayd ama dibada wax ku soo barto ama guddaha wax ha ku barto, waxa noo qaybo ah ilaa boqol iyo dheeraad oo dadka Ajnabiga ah oo qaarkood aanu weynay meelo aanu kala xidhiidhno ama dagaalo ayaa ka socda ama si kaleba ha ahaatee, qaarna aanu helnay oo iyaga aanu is leenahay wixii talaabo ah ee aad ka qaadi kartaan ha laga qaado.”

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa bogaadiyay dhakhaatiirtan buuxiyay shuruudaha aqoonsiga dhakhtarnimo, waxaanu yidhi “Waxaan hambalyaynayaa Dhakhaatiirta iyo Kalkaaliyayaasha Caafimaad ee maanta halkan ku qaadan doona Liisanka Dhakhtarnimo.”

Dhinaca kale Dr. Adna Aadan Ismaaciil iyo xubno kale oo ka mid ah dadka aqoonta  u leh Caafimaadka ayaa ka waramay sida loogu baahan yahay in la helo dhakhaatiir aqoon u leh adeega Caafimaadka si ay shacabku u helaan Caafimaad dhamaystiran.

Gabagabadii Madaxwene Siilaanyo ayaa sodonkii xubnood ee ugu horeeyay guddoonsiiyay Shahaadada aqoonsiga dhakhtarnimada.

By: Khaalid Xabsi

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply