Sucuudiga oo sii Daayay Dumar Gawaadhi Kexeeyay

0
306

Wararka ka imaanaya boqortooyada Sucuudiga waxa ay sheegayaan in laba dumar ah oo u ololeynayay in dumarka ay xaq u leeyihiin inay gawaadhida kexeeyaan oo 70 maalin xidhnaa la sii daayay. Waxaa warkaasi inuu soo diray tafatiraha wararka carabta ee BBC sebastian usher.
Lojayan Hathloul waxaa la xidhay bishii December, waxaana laga qabtay xuduudda Sucuudiga iyo dalka isutagga Imaaraatka ay wadaagaan, xilligaas oo ay isu diyaarineysay inay jebiso mamnuucidda ah in dumarka Sucuudiga aysan gawaadhi kexeyn karin.
Waxay qorsheyneysay inay isticmaasho liisanka ama ruqsadeeda dalka isutagga Imaaraatka Carabta.
Waxa ay arrintaasi iyo safarkeeda ku baahisay barta Youtube.
Maysaa al-Camudi, oo ah weriye u dhalatay Sucuudiga, balse ka shaqeysa Imaaraatka Carabta, waxaa la xidhay xilli ay dooneysay inay qof ay saaxiibo ahaayeen caawiso.
Waxaa sare u kacayay walaaca laga qabo xaaladdooda kaddib markii la sheegay in kiiskooda lagu dhageysanayo maxkamad ka shaqeysa la dagaallanka argagixisada.
Lojayan waxa ay taageero badan ku leedahay internetka, gaar ahaan dhallinyarada Sucuudiga oo aad u garanaya waxa ay qorto.
Sida ninka wax ku qorayay bogga blogger ee Raif Badawi oo lagu xukumay kun garbaash, kiiska Lojayan waxa uu u muuqday inuu yahay mid aan laga soo dhaweyn Sucuudiga, iyadoo boqorka Cusub ee Salman oo xilka la wareegayo.
 

Leave a Reply