Cuqaal Reer Buuhoodle Ah Oo Kulan la Yeelanaya Madaxweynaha Somaliland

0
348

Hargeysa (DAWAN)- Wasiirrada Madaxtooyada iyo Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa ka hadlay ujeeddada safar ay Hargeysa ku joogaan madax-dhaqameed ka socda degaanka Buuhoodle ee bariga Somaliland.
Wasiirro xukuumadda ka tirsan, ayaa Khamiistii doraad  si ballaadhan ugu soo dhaweeyey Hargeysa madax-dhaqameed tiradoodu dhan tahay 11 caaqil iyo 4 oday oo ka socday degaanka Buuhoodle ee bariga Somaliland, iyadoo weftigaasna si diiran loogu qaabilay dhinaca bari ee caasimadda Hargeysa oo la filayo inay muddo toddobaadyo ah joogaan.
Wasiirka Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay inay xukuumad ahaan soo dhawaynayaan madax-dhaqameedka reer Buuhoodle oo uu si weyn ugaga mahad-celiyey safarkooda Hargeysa.
“Nabadda, wanaaga iyo wixii ay odayadu la socdeenba insha allaah tacaala waanu ka guddoomaynaa waana ku galbinayna waa jecelnahay runtii cidii wanaag iyo nabad ka shaqaynaysa haddii Ilaahay ka dhigo kolay waynu wada fadhiisan oo wadahadli oo is arki wixii duruuf jira iyo xaaladana iska waraysan insha allaah.
Wixii suurtogal ah ee arrimaha laga qaban karo ee nabadda laga qaban karo diyaar ayaanu u nahay dawlad ahaan wixii loo baahan yahay in laga qabto, kolayba madaxweynaha waad la kulmi doontaan, waad arki doontaan,” ayuu yidhi Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, isagoo sidoo kale u mahadnaqay, sheegayna inay soo dhawaynayaan madax-dhaqameedka Gobolka Togdheer ee soo dhaweeyey, isla markaana wehelinaya cuqaasha reer Buuhoodle.
“Odayaasha reer Togdheer ee soo galbiyey iyana waan soo dhawaynaynaa. Aad bay ugu mahadsanyihiin. Cidkastoo ka shaqaysa dadka isu soo dhawayntiisa iyo nabadiisa iyo wadajirkiisana aad iyo aadbaan u soo dhawaynaynaa, dawlad ahaana waxa naga go’an oo noo sad ah dadkayaga oo wanaagsan iyo dalkayaga oo wanaagsan ayaa noo sad ah, taasna waa wax naga go’an,” ayuu yidhi Wasiir Xirsi.
Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo isagu weftiga madax-dhaqameedka ah kaga hortagay degmada Beer ee Gobolka Togdheer, ayaa sheegay in safarkoodu ku salaysan yahay sidii wax looga qaban lahaa, loona dhisi lahaa nabadda degaannada Buuhoodle.
“Waxaan soo dhaweynaynaa cuqaasha badan oo habeen hore (habeenkii Salaasada) ka soo anbabaxay Buuhoodle, una socda in ay wax ka qabtaan nabadda iyo mushkuladaha ka taagan degaannada Buuhoodle. Waxa safarkooduna salka ku hayaa shirkii (bishii January) lagu caleemo-saaray (Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe) ee ka dhacay Buuhoodle oo ay isku arkeen salaadiinta, garaadada iyo cuqaasha beelaha kala duwan ee soo jeeda Buuhoodle, laguna heshiiyey in si buuxda loo dhammaystiro nabadda. Ballankaas ayuu socodkoodu salka ku hayaa,” ayuu yidhi Wasiir Xaglo-toosiye.
Waxa kaloo uu xusay in xukuumaddu diyaar u tahay sidii ay wax ugala qaban lahayd arrimaha dhinaca nabadgelyada khuseeya ee safarkoodu ku salaysan yahay, waxaannu yidhi; “Nabaddu waa muhiim, odayaasha iyo cuqaashuna iyagaa ah furaha nabadda. Waa wefti aad u culus oo aannu noociisu hore u iman Hargaysa. Waa weftigii ay ka go’aysay nabadda iyo talada deegaanka Buuhoodle.
Waxa aan Ilaahay ka baryayaa inay la noqdaan guul iyo in ay gaadhaan hadafkooda nabadeed ee ku socdaan. Waan idin soo dhaweynaynaa, xukuumad ahaana waan idin la qabanaynaa wax allaale wixii aan idinla qaban karno ee nabadda ku saabsan, barbarkiina ayaanu taaganahay, waxaanan halkan uga mahadnaqayaa salaadiinta reer Togdheer ee soo galbisay ee soo dhawaysay oo aan leeyahay aad baan idiinku mahadinayaa soo dhawayntooda.”
Badhasaabka Buuhoodle oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay weftiga madax-dhaqameedka ee safarka ku jooga Hargeysa, waxaannu yidhi; “Halkan waxaan ku fadhinaa dhammaan odayaasha iyo cuqaasha Gobolka Buuhoodle oo cidna kama maqna, waxaanan aad ugu mahad-celinayaa wasiirrada xukuumadda ee sida diirran noo soo dhaweeyey.”
Cuqaasha tiradoodu dhan tahay 11 xubnood iyo odayaasha kale ee wehelinaya, ayaa la sheegay in muddada ay Hargeysa joogaan kulamo la yeeshaan madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, siyaasiyiinta ka soo jeeda degaannada gobollada bari, madax-dhaqameedka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaasoo ujeeddada socdaalkooda lagu sheegay inay tahay sidii xal waara looga gaadhi lahaa dhibaatooyinka ka jira degaannada Buuhoodle.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply