Madbacadda Qaranka oo Soo Iibsatay Agabka ay Ku Shaqaynayso Lix Biloodka Hore Ee Sannadkan

0
346

Hargeysa (DAWAN)- Madbacadda Qaranka Somaliland ayaa la soo degtay agabkii ay ku shaqayn lahayd lix biloodka hore ee sannadkan 2015-ka, si ay u dar-dar geliso hawlaha adeega daabacaada dukumantiga dawladda.Sidaasna waxa noo   sheegay Agaasimaha Shaqaalaha, wax-soosaarka iyo Farsamadda ee Madbacadda qaranka Cumar Xasan Nuur.
Agaasimaha Shaqaalaha iyo waxsoosaarka madbacadda qaranku waxa uu sheegay inay soo iibsadeen agabka kala duwan sida waraaqaha iyo khadadka ay madbacada qaranku ku shaqaynayso muddo lix bilood ah, taasina ay qeyb ka tahay qorshaha ay ugu diyaar garoobayaan inay daboolaan daabacaada dukumantiyada dawladda, gaar ahaan buugaagta lacag qabashadda dakhliga ee dawladda dhexe iyo dawladaha hoose ee dalku ay u baahan yihiin-ba.
Cumar Xasan Nuur waxa uu sheegay in madbacadda qaranku ay  awooda saartay inay ka soo dhalaasho daabacaad adeegyadda dawladda, waxaanu  u mahad celiyay Maareeyaha Guud ee Madbacadda Qaranka Md. Cabdilaahi Maxamed Jaamac (Carey)oo isku hawla in aanu madbacadda ka kala go’in agabka ay ku shaqaynayso ee daruuriga ahi.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply