Wasiirro Ka Qayb Galay Ciyaar ay Yeesheen Ardayda Dugsiyada Dhegoolayaasha Boorame & Hargeysa

0
334

Hargeysa(Dawan):- Wasiirrada Ciyaaraha iyo Wasiirka Waxbarashadda iyo tacliinta sare  Mr. Cali Siciid Raygal  iyo  Wasiirka wasaaradda Waxbarashada Marwo  Samsam Cabdi Aadan, ayaa ka qeyb galay ciyaar koob lagu kala qaadayay oo loo qabtay ardayda dugsiyadda dhegooleyaasha ee magaallooyinka Hargeysa iyo Boorame, taasi oo ka dhacday garoonka kubbada cagta ee Hargeysa Stadium.
Waxa kale oo ciyaartaas ka qeyb galay Masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda iyo Boqolaal ka mid.ah dadweynaha ku dhaqan caasimadda, kuwaasi oo la dhacay qaab ciyaareedkii labadaas kooxood.
Wasiirka Dhalinyaada Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Cali Siciid Raygal oo ugu horrayn ka hadlay markii ay ciyaartu dhammaatay ayaa hambalyeeyay labada kooxood ee ay ciyaartu dhex martay oo uu tilmaamay in aanay naafo ahayn maskax ahaan iyo jidh ahaana ay fiican yihiin  laakiin ay maqalka dhegaha oo kaliya ay wax ka qabaan isla markaana aan lagu sheegi karin maskax ahaan iyo jidh ahaan naafo. “Maanta(shalay) farxad weyn ayay innoo tahay in aynu ka soo wada qayb gallo daawashada ciyaartan aadka u wanaagsan iyo xirfadda heerka sare ah ee ay soo bandhigeen labada kooxood runtiina waxay soo bandhigeen ciyaar aad u wanaagsan.  waanan hambalyaynayaa labada kooxoodba,run ahaantiina lama odhan karo waa naafo laakiin dhegaha uun baanay waxba ka maqal,”ayuu yidhi Wasiirka Ciyaaruhu.
Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Samsam Cabdi Aadan oo  soo qaban qaabisay  koobkaay labada kooxood ee ka kala socday labada dugsi ee dhegoolayaasha Hargeysa iyo Boorame oo iyaduna ka hadashay dhamaadkii ciyaarta ayaa sheegtay inay tahay wax lagu farxo in lagu dhiiri galiyo in ciyaaro sidan oo kale loo qabto dhalinyarada dugsiyada ardayda magalka ka naafada ah oo ay sheegtay  in ay daryeel wanaagsan ku haystaan dugsiyadooda.
“Waxaa dhammaanteen farxad inoo wada ah in aynu tartan ciyaareed u qabanay dhalinyarrada ardayda maqalka ka naafada ah ee Boorame iyo dhalinyarrada ardayda maqalka ka naafada ah ee Hargeysa oo soo  bandhigay ciyaar  xamaasadaysan aad u heersaysa isla markaana ay akhlaaqadi ku dheehan tahay waa waajib ina wada saraan in aynu dhiiri galino,annagu ka wasaarad ahaanna  xafiis u gaar ah ayay  ku leeyihiin  shaqaale u gaar ahina way  u joogaan labada kooxoodna waan hambalyaynayaa,”ayay tidhi Wasiir Samsam Cabdi Aadan.
Waxaa kale oo iyaguna  halkaa ka hadlay Wasiirku xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Shugri Xariir Ismaaciil,Agaasamimaha Guud ee Wasaaradda Ciyaaraha Dhalinyarrada iyo Dalxiiska Maxamed Xuseen Dhabbeeye iyo Masuuliyiin kale oo dhammaantood  ka hadlay sida ay waajibka u tahay dhiiri gelinta dhalinyarrada maqalka ka naafada ah ee dalka Somaliland.
Ciyaartan oo ahayd tii ugu horraysay ee nooceeda ah ee lagu qabto Hargeysa Stadium ee ay koob ay ku kala qaadaan dugsiyada dhagoolayaasha Boorame iyo Hargeysa ayaa kusoo dhamaatay 2-1 ay guushu  ku raacday kooxda dugsiga dhegoolayaasha Hargeysa.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply