Cuqaasha Iyo Wax-garadka Qol-ujeed Oo Kalsoonidii kala Noqday Suldaanka Falaagoobay

0
346

Qol-ujeed (DAWAN)- Shir Balaadhan oo ay Shalay galab iskugu yimaadeen  Cuqaasha iyo waxgaradka degmadda Qol-ujeed ee gobolka Awdal, ayaa lagu sheegay in waxgaradka  deegaankaasi ay si rasmi ah kalsoonidii kala noqdeen Suldaanka Somaliland ka ridoobay ee Suldaan Abubakar Cilmi Wabar. Waxaanay sheegeen inuu deegaankii lagu caleemo-saaray ugu abaal-gudo inuu soo weeraro oo uu nabadda waxyeeleeyo.
Shirkan oo xarunta degmadda Qol-ujeed ka socday muddo saacado ah ayay Cuqaasha  deegaanku ka soo saareen go’aamo ka kooban dhawr qoddob, sida uu warbaahinta uga waramay Xildhibaan Maxamed Xuseen Maydhane oo ka mid ah xildhibaanada Golaha deegaanka ee Degmada Boorama, oo  ka mid ahaa ka qeyb-gelayaashii shirkaasi. Waxaanay go’aamadii shirkan ka soo baxay u dhignaayeen sidan:-

  1. In shacbiga iyo waxgaradka degmaddu ay xil iska saaraan  Ilaalinta iyo Jiritaanka Somaliland
    2 Cuqaasha Beesha waxay kalsoonidii kala noqotay Suldaan Abubakar Cilmi Wabar oo hore loogu doortay lagu Caleemasaaray Degmada Qul-ujeed, kadib markii uu  abaalkayagii iyo wax-qabadkiisii ugu horeeyay ee aanu ka filaynay Suldaanku nooga  dhigay dagaal Xabad iyo Barakicin .
    3. In la ilaaliyo nabadgalyada xuduudaha labada dal ee beeshu degto ee Somaliland  iyo Itoobiya.
  2. Waxay beeshu u mahad celisay ciidammada qaranka Somaliland ka dib markii ay kooxda  Suldaan Wabar, doonayeen inay barokiciyaan dadka deegaanka Qulunjeed, islamarkaasina ay ciidamada qaranku ay soo daad gureeyeen guryahoodiina dib loogu soo celiyeen  dadkii halkaasi ka cararay maalintii kooxdaasi ay soo weerartay.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply