Madaxweynaha Somaliland Oo Dhambaal Tacsi ah Ugu Baroor-diiqay Dhigiisa Jabuuti

0
374

Hargeysa (DAWAN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dhambaal tacsi ah ugu baroor-diiqay dhigiisa dalka Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle, oo uu ka tacsiyadeeyay geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Guddoomiyihii Baarlamaanka Jabuuti Marxuum- Idiris Arnoud Ali oo habeen hore  geeriyooday.
Sidaasna waxa lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo uu soo saaray Xoghayaha gaarka ah ee xafiiska Saxaafadda madaxtooyadda Somaliland Naasir Yuusuf Daahir, waxaanu dhambaalkaasi u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo isaga oo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Golaha Barlamaanka Jabuuti, Dawlada aynu walaalaha iyo jaarka nahay ee Jabuuti, iyo Shacbigeeda oo uu ka tacsiyadaynaayo geerida ku timid, Alle ha u naxariistee Gudoomihii barlamaanka Jabuuti Marxuum Idiris Arnoud Ali oo geeriyooday.Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Madaxweynaha Dawlada Jabuuti, Golaha barlamaanka, guud ahaan laamaha dawlada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  reer Jabuuti ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo masuulkaasi ka baxay ummadda Jabuuti.IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.”
Geesta kalena Guddoomiyaha xisbiga WADDANI              Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa isna dhambaal tacsi ah oo kaas la mid ah u diray Madaxweynaha iyo Jamhuuriyadda Jabuuti, waxa sidaas lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo ka soo baxay xisbiga WADDANI, waxaanu u dhignaa sidan:- “Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) Wuxuu  Tacsi u dirayaa Gudoomiyihii Baarlamaanka DJabouti Marxuum Idiris Arnaud Cali
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Ahna Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Dawladda Djabouti iyo Shacbigeedaba, gaar ahaan Baarlamaanka Djabouti iyo Madaxweynaha Dawladda Djabouti Md. Ismaaciil Cumar Geele isagoo ka tacsiyadaynaya Geerida Naxdinta Leh ee ku timid Alle Haw Naxariistee Gudoomiyihii Baarlamaanka Jabuuti Marxuum Idiris Arnoud Ali.
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Isagoo Ka Wakiil ah Baarlamaanka Somaliland Gaar ahaan Golaha Wakiilada wuxuu tacsidan gaadhsiinayaa dhamaan Dadka Iyo dawladda Djabouti.
Dhinaca kale Gudoomiyuhu isagoo ka wakiil ah Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, gaar ahaan xubnaha Hogaanka sare, Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, Laamaha Dibadda iyo taageerayaasha Xisbiga WADDANI wuxu tacsi tiiraanyo leh gaadhsiinayaa dhamaan umadda reer Djabouti oo uu ka baxay gudoomiyihii baarlamaanka Djabouti Marxuum Idiris Arnaud Ali.
Gudoomiyuhu wuxu Eebe uga baryay inuu jannadii fardowsa ka waraabiyo marxuum Idiris Arnoud Ali Gudoomiyihii Baarlamaanka Jabuuti, dhamaan qoyskiisii iyo umadda reer Djabouuti ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.Illaahay Ha U Naxariisto Marxuumka.”
Sidoo kalena Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa dhambaal tacsi ah u diray dawladda Jabuuti, waxaanu ku yidhi “Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa , ka hogaanka xisbiga, Gudida fulinta , Golaha Dhexe iyo dhammaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga kulmiye wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Dawlada Jabuuti iyo shacbigeeda gaar ahaana Baarlamaanka dalka Jabuuti iyo Madaxwaynaha dalka Jabuuti  Md. Ismaaciil Cumar Geelle, isagoo ka tacsiyaynaya geerida ku timi gudoomiyihii Baarlamaanka dalkaas marxuum Idiris Arnoud Ali.Wuxuu Alle uga baryayaa inuu marxuumka janadii fardawsa ka waraabiyo.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply